David Cameron “ Waan soo dhaweynayaa la dagaalanka burcad badeeda Somalida”

Bariisle:Saturday 29 May 2010(LONDON)David Cameron oo ah Ra’iisul wasaaraha Cusub ee dalka Ingiriiska ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay howlgalada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ay Maraakiibta shisheeye ka wadaan biyaha Soomaaliya iyo meelaha ku dhow dhow gaar ahaan dowladda wadanka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa hadalkaani sheegay kadib kulan uu Magaalada London kula qaatay dhigiisa dalka Kenya Raila Omollo Oding xiligaasi oo labada masuul ay ka wada hadleen arimo ay ka mid ahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida.

Markii uu soo gaba gaboobay kulankooda ayaa afhayeen u hadlay Ra’iisul wasaare David Cameron waxaa uu saxaafada u sheegay in labada masuul ay isku afgarteen dar dar galita la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida iyo qaabkii loo cirib tiri lahaa.

Dowladda Kenya ayaa mudooyinkii ugu dambeysay waxaa ay wado howlgalo ay kula dagaalamayso kooxaha burcad badeeda kuwaasi oo tiro ka mid ah ay ku maxkamadeysay gudaha dalkeeda, waxaana kooxahaasi haatan ay gacanta ku hayaan lamaane u dhashay dalka Ingiriiska oo lagu kala magacaabo Paul iyo Rachel Chandler.

Lamaanahaasi ayaa dhawaan codsi waxaa ay u direen Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron iyagoo ka dalbaday in xukuumadiisa ay isku hoowsho sidii ay uga sii deyn laheyd gacanta kooxaha manaxayaasha ah ee burcad badeeda Soomaalida.

Hadalka Ra’iisul wasaare David Cameron ee  ku aadan taageeridiisa la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ayaa imaanaya xili ciidamada badda ee wadanka ingiriisku ay qeybka yihiin ciidamada la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo dhowr jeer ooh ore ku hanjabay in ay xoog ku soo furnayaan Lamaanaha u dhashay wadankooda ee lagu heysto Xeebaha Soomaaliya.

Related posts:

  1. Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
  2. Taliska ciidamada Badda Africa ee dowlada Mareykanka oo ku booriyay maraakiibta ganacsiga in ay qaataan hub ay isaga difaacaan burcad badeeda.
  3. Dowladda Maraykanka oo sheegtay in Masar ay hogaamin doonto gudi Caalmi ah oo loogu talagalay ka hortaga taageerida falalka burcad badeeda Soomaalida.
  4. Burcad badeeda Soomaalida oo afduubtay doon laga leeyahay dalka Koofur Kuuriya.
  5. Ururka Midowga Yurub oo ugu baaqay dalalka Afrika in ay ogolaadaan in dalalkooda lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2210

Posted by on May 29 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com