Warbixinta UNHCR: Muqdisho waxaa ka barakacay bishaan 17,000 oo ruux
Bariisle:Saturday 29 May 2010(Muqdisho)Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka Soomaaliya bishaan oo kaliya ay ka barakaceen 17,000 oo qofood.
Warbixin Maalintii shalay ka soo baxdsay Magaalada Geneva ayaa waxaa lagu sheegay in saameyn badan ay yeesheen dagaaladii Bishaan sii dhamaanaysa ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaana warbixinta lagu xusay in dhibaatooyin farabadan ay soo gaareen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Warbixinta UNHCR ayaa sidoo kale lagu sheegay in qiyaas ahaan bishan oo kaliya ay guryahoodii isaga barakaceen 17,000 ( todobo iyo toban kun oo ruux) kuwaasi oo ka cararay dagaaladii ugu dambeeyay ee Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada dowladda, AMISOM iyo Ahlu Sunna oo isku dhinac ah iyo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo Xisbul Islaam oo isgarabsanaya.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixinta hay’adad Qaramada Midoobay u qabilsan Qaxootiga ee UNHCR in qaar ka mid ah dadkaani ay awoodi kari waayeen in ay gaaraan deegaanada loo barakacay, iyadoo sidoo kale la sheegay in kuwii barakacayna ay dageen guryo ka sameysayn boco kuwaasi oo kuyaala duleedyada magaalada Muqdisho.
UNHCR waxa ay sidoo kale warbixinteeda ku sheegtay in dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho ay ku dhinteen in kabadan 60 ruux oo dhamaantood rayid ahaa kuwaasi oo warbixinta lagu sheegay in madaafiic ay ku haleeshay xaafadahooda.
Shanta sano ee sanadkaan 2010-ka oo qura ayaa dagaalada Magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasay dadka ka barakacay 200,000 oo ruux (Laba boqol oo kun oo ruux) kuwaasi oo qaarkood ay dhibaato xoogan ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Related posts:
- Hay’ada UNHCR oo sheegtay in ku dhawaad 10-kun oo ruux oo rayid ah ay bishan gudaheeda ka barakaceen magaalada Muqdisho.
- Dhawaacyada 60 ruux oo ku wacyeeloobay Dagaalo,duqeymo iyo Shilal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho oo la geeyay Isbitaalka Madiina.
- Dhaawacyada ku dhawaad 40 ruux oo la dhigey Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
- Dagaalkii ugu qasaraha badnaa bishaan Ramadaan oo maanta ka dhacay Muqdisho.
- Dhaawacyada in ka badan 80 ruux oo maanta la dhigey Isbitaalka Madiina.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2200












