Yuusuf Indhacadde “ Qaraxii la ila eegtay waxaa laga soo maleegay Madaxtooyada”

Bariisle:Saturday 29 May 2010(Muqdisho)Wasiiru dowlaga wasaarada gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaada Indhacadde ayaa sheegay in qaraxii habeen ka hor lagula eegtay wadada Makka Al Mukarama uu ahaa mid laga hagayayXarunta Madaxtooyada.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay cidii ka dambaysay qaraxii dhawaan isaga iyo Wasiiro kale oo katirsan Xukuumada KMG lagula beegsaday qeybo kamid ah Wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in qaraxaasi uu ka dhacay meel u dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya islamarkaana ay aaminsanyihiin in hogaaminta qaraxaasi ay kaga timid dhanka Madaxtooyada.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ay baaritaano wadaan taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale Wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada KMG islamarkaana wixii baaritaanadaasi ka soo baxa ay dib ka soo sheegi doonaan sida uu carabka ku dhuftay.

Dhawaan ayay aheyd markii qarax lagula eegtay meel ku dhow Xarunta  Madaxtooyada Villa Soomaaliya ilaa iyo 3-Wasiir kuwaasi oo uu kamid ahaa Wasiiru dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad Indhacade islamarkaana ay qasaaro ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Related posts:

  1. Qarax sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo maanta Mas’uuliyiin katirsan Dowladda KMG lagula Eegtay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.
  2. Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
  3. AMISOM oo sheegtay in awood Milatari aan lagu xalin Karin dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya.
  4. Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo galabta saxaafada kula hadlayay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho
  5. Qarax sababay dhimasho iyo dhawac oo ciidanka DKMG lagula eegtay X/jajab

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2204

Posted by on May 29 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com