Dagaalo culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Bariisle:Monday 31 May 2010(Ceelbarde)Dagaalo culus oo u dhexeeyay ciidamada dowalada KMG ee Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa Ethiopia iyo Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay waxa ay ka dhaceen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Dagaalkan oo dhacay xalay Saqdii dhexe ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala gadisan, waxaana uu ka dhacay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyadoo dagaalkaasi uu u dhaxeeyay Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ciidadmada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helayay kuwa Ethiopia.
Dagaalka oo socday mudo kooban ayaa la isku adeegsaday hubka cul culus, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in gudaha degmada Ceelbarde laga maqlayay Madaafiic iyo sidoo kale qoryaha loo yaqaano BM-ka iyo hub kale oo ka sii cul culus, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay waayeen meel ay u baxsadaan maadama xilli habeen ah ay aheyd.
Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ku dhaawacmay 2-qof inkastoo dhimasho iyo dhaawac intaasi ka badan ay jiraan walow aan la ogen sida ay Shabelle u xaqiijiyeen goob joogayaal halkaasi ku sugan.
Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo Saakay la soo xiriiray Idaacada Shabelle ayaa waxa ay sheegeen in iyagu ay dagaalkaasi xalay qaadeen ayna weerareen Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxa ay ku sugnaayeen degmada Ceelbare ee gobolka Bakool iyadoo halkaasina bishii la soo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Xarakada Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helayay kuwa Ethiopia.
Related posts:
- Ciidamo iyo Ethiopian ah iyo kuwa Soomaali ah oo Maanta gudaha u soo galay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool iyo Ciidamadii Al Sahbaab oo halkaasi ka baxay.
- Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
- Qarax waxyeelo u geystay Waaliga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee degmada Diinsoor ee gobolka Bay oo xalay ka dhacay degmadasi.
- Dagaalo iyo duqeymo culus oo galabta mar kale ka dhacay xaafado katirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
- Dagaalo qasaaro gaystay oo xalay iyo saakay ka dhacay Muqdisho
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2237












