Gudiga Maaliyada Baarlamaanka oo eedeeymo u jeediyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Bariisle:Monday 31 May 2010(Muqdisho)Gudiga Maaliyada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa eedeemo waxa ay u jeediyeen gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Maxamed Sheekh Cali Woosh oo ah gudoomiye ku xigeenka gudiga Maaliyada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ahna sii hayaha xilka gudoomiyaha gudiga oo Shabelle waraysi siinayay ayaa waxa uu sheegay in ninkii ay kula xisaabtami lahaayeen hantidii gudiga Maaliyada baarlamaanka uu ku fariistay kursigii gudoomiyaha baarlamaanka ee lagula xisaabtami lahaa, waxaana sidaasi daraadeed uu sheegay in aysan garaneyn nin ay dacweeyaan iyo meel ay ku dacweeyaan isagoo intaasi ku daray in laga yaabo in la kala diro gudiga Maaliyada ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Maxamed Sheekh Cali Woosh waxa uu sharci daro ku tilmaamay doorashadii gudoomiyaha Baarlamaanka ee loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu sheegay in Wasiiro katirsan Xukuumada KMG ee Soomaaliya ay lacago la wareegayeen howlka ay doorashada ka dhacayay isagoo tilmaamay in aysan aqoonsaneyn gudoomiyaha Baarlamaanka oo uu sheegay in uusan ku imaan wax sharci ah.

Hadalkani ka soo yeeray gudiga Maaliyada Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawaan Mudanayaasha Baarlamaanka KMG ee Soomaaliya ay gudoomiye u doorteen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horay u ahaa Wasiirka Maaliyada ee Xukumada KMG Soomaaliya ahaana ra’isul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya.

Related posts:

  1. Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
  2. Shariif Xasan: “Caalamku waa inay taageeraan dagaalada Muqdisho”
  3. SHEEKH AADAN MADOOBE: “Dowladda Soomaaliya way dhacday, kaddib markii ay gudan wayday waajibaaadkeedii”
  4. CUMAR C/RASHIID: “Madaxweyne Sheekh Shariif awood uma lahan inuu kala diro Xukuumadda Soomaaliya, waxaana ridi kara oo keliya Baarlamaanka”
  5. Xildhibaan sheegay in Shariif Xasan iyo Mahiga ay wadaan burbur dowlad

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2232

Posted by on May 31 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com