Kooxaha S/ Afrikaanka ah oo wali sii wada dilalka ay u geysnayaan Soomaalida.
Bariisle:Monday 31 May 2010(Johannesburg) Kooxo S/Akrikaan ah ayaa Maalmihii la soo dhaafay dil, dhaawac iyo dhac waxaa ay u geysteen Ganacsatada Soomaalida ee ku nool Magaalada Johannesburg ee dalka S/ Afrika.
Cali Maxamed Cali oo kamid ah Dhalinyarada Soomaalida ah ee ku ganacsatada Johannesburg ee wadanka South Afrika oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhibaatooyin faro badan dhalinyarada Soomaalida ah loogu geysto wadanka South Afrika taasi oo isugu jirta dil, dhaawac iyo waliba hantidooda oo gabi ahaanba la dhaco, waxaana uu sheegay in falalkaasi ay geysanayaan dadka u dhashay wadanka S/Afrika.
Waxa uu sheegay in dadka S/Afrikanka ah ay ku soo weeraraan Dhalinyarada Soomaalida ah eek u ganacsatada Magaalada Johannesburg xiliyada ay joogaan Dukaamadooda isagoo tilmaamay in dadkaasi ay dhac u geystaan Dukaamadooda ayna dilaan dadka dhalinarada ah ee ku ganacsanaya dukaamadaasi.
Waxa uu sidoo kale sheegay in todobaadkan gudihiis marka la isu geeyo dadka Soomaalida ah ee lagu dilay wadanka S/Afrika ay gaarayaan 5-dhalinyaro Soomaali ah, waxaana uu sheegay in cid wax ka qabata aysan xiligaan jirin.
Waxaa uu sidoo kale Sheegay Cali Max’ed Cali oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee ku ganacsata dalka S/Africa in dadka Soomaalida aysan laheyn gudi u dooda marka la fiiriyo dhibaatooyinka dadka S/Afrika ay u geysanayaan dadka Soomaalida, waxaana uu sheegay in marka ay ku dacweeyaan ciidamada boliiska loogu guudinayo in xiliga ay dhamaadaan ciyaaradaha koobka Aduunka wadanka laga saarayo.
Dalka S/Afrika ayaa waxaa ku ganacsatada Soomaali aad u farabadan kuwaasi oo oo halkaasi u raadsaday nolol ka wanaagsan midi ay uga carareen dalka Soomaaliya, waxaana Maalmihii ugu dambeeyay jiray dilal loo geysanyay ganacsatada Soomaalida ee S/Afrika ku nool.
Related posts:
- Soomaalida ku nool K/Afrika oo dhibaato ku qaba qaar ka mid ah dadka S/Afrikan-ka.
- Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
- Kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sii daayay labo Doomood oo laga leeyahay dalka India.
- Madaxweyne Shariif oo sheegay in bishan aaney Xamar wada joogi doonin dowladda KMG ah Soomaaliya iyo Kooxaha ka horjeeda
- Dowladaha Ethiopia iyo Denmarka oo ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2242













