Archive for: June, 2010

Madaxweyne Shariif oo caawa Ciidamada dowlada kula hoyanaya Jiida Dagaalka.

Bariisle:Wednesday 30 June 2010(Muqdisho)Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Caawa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ciidamada dowladda kula jiro Jiida hore ee goobaha dagaalka ee Magaalada Muqdisho. Sida Idaacada Shabelle ay caawa u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, madaxweyne Sheekh Shariif [...]

Duqeyn qasaare geysatay oo Caawa fiidkii ku dhacday qeybo mida ah Bakaaraha.

Bariisle:Wednesday 30 June 2010(Muqdisho) Duqeyn ay ku dhinteen dad rayid ah islamarkaana kuwa kale ay ku dhawaacmeen ayaa Caawa waxaa ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyadoo iska horimaadyana ay ka dhaceen waqooyiga Muqdisho. Inta la ogyahay duqeynta caawa ku dhacday Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku [...]

Dad rayid ah oo ku dhintay Madaafiic Caawa ku dhacday qeybo ka mid Muqdisho.

Bariisle:Monday 28 June 2010(Muqdisho)Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah ayaa Caawa waxaa ay ku dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyadoo iska horimaad koobana uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Islaamiyiinta. Madaafiicdaani oo aheeyd kuwa xoogan ayaa caawa waxaa ay ku dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Kaaraan, Shibis [...]

Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta.

Bariisle:Saturday 26 June(HARGEISA)Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen. Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro. Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe. Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha [...]

Ciidamada dowlada KMG oo isku rasaaseeyay degmada X/jajab ee G. Banaadir.

Bariisle:Saturday 26 June 2010(Muqdisho)Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa ay maanta ku dhexmartay agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada X/jajab. Israsaaseyntaani oo dhexmartay ciidamada Militariga iyo kuwa boolliska dowlada KMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay timid kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadaasi xili ay isgoyska Ceelgaabta lug ku [...]

Dhalasho Farxad leh{Abdullahi Rashiid Abdullahi Gaas}

Bariisle:Saturday 26 June 2010(Sweden)Waxan xalkan ka hanbalyaynayna Gudoomiyaha dhalinyarada qurba joogta beeshe muuse dhariyo RASHIID C/LAHI GAAS oo wiil ugu dhashay dalka sweden tariikhdu Markay ahayd 23 /06/ 2010 waxa hanbalyo udiraya abo C/LAHI GAAS   hooyo  CASHA CABDI GAHIR    KHADRA C/LAHI GAAS   NIMCO C/LAHI GAAS  CALI C/LAHI GAAS  SACIID XAASHI CALI  NASSER XAASHI CALI CALI XAASHI [...]

Madaxweyne Shariir oo shacabka ugu hambaliyeeyay munaasabada 26-ka June.

Bariisle:Saturday 26 June 2010(Muqdisho)Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed hawada u marsiiyay Hambaliyo ku aadan munsaabada 50 guuradii ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah la suray. Iyadoo maanta ay ku beegantahay 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka xoraabeen gumeystihi ingiriska gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya [...]

Wakiilka Cusub ee UN-ka u xilsaaran Somaliya oo baaq u diray dhinacyada Somalida.

Bariisle:Wednesday 23 June 2010(Nairobi)Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobay ay dhawaan u magacowday dalka Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay Baaq wada jireen ah u jeediyay dhinacyada isku heysta Siyaasadda Soomaalida eek u dagaalamaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Mr. Augustine Mahiga oo ah ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in muhiimada [...]

Holland oo ciidamo mariinis ah u soo daabuleysa xeebaha dalka Soomaaliya.

Bariisle:Wednesday 23 June 2010(Amsterdam)Dowladda Netheland ayaa sheegtey in ay xeebaha Soomaaliya ay u soo daad gureyn doonta ciidamo farabadan oo kuwa mariiniska ah kuwaasoo dowladdu sheegtey in ay ka qeybqaadan doonaan barnaamajka la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ka soconaya xeebaha Soomaliya iyo biyaha gacanka Cadmeed. Wasiirka gaashaan dhiga dalka Netherland ayaa daaha [...]

Xildhibaanadii Dalada Sameystay oo sheegay inay ka shaqeynayaan tir tirista 4.5

Bariisle:Monday 21 June 2010 (Muqdisho)Xildhibaanadii dhawaan Magaalada Muqdisho ku sameystay Dalad ay ku mideysanyihiin oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka shaqeynayaan sidii ay u tir tiri lahaayeen xeerka 4.5 oo ay haatan ku dhisantahay dowladda KMG Soomaaliya. Kulan ay maanta yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada la [...]

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com