Ra’iisul wasaare Zanawi oo ku baaqay in la taageero dowladda KMG.
Bariisle:Saturday 19 June 2010(Addis-Ababa)Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zanawi ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in taageero deg deg ah oo buuxda lasiiyo dowladda KMG Soomaaliya si dowladda ay ugu suura gasho in ay dib u soo celiso xasiloonidi Somaaliya.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Meles Zanawi ayaa saxaafada mar uu kula hadlayay magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia waxa auu ugu baaqay beesha Caalamka in taageero dhinac walba ah la siiyo dowladda KMG gaara haan dhinacyada dhaqaalaha.
Sidoo kale Meles waxaa uu ku nuux nuuxsaday in nabad ku soo laabata dalka Soomaaliya ay noqon doonto mid gobolka oo dhan dan u ah isagoo ku baaqay in dagaalada ka jira Soomaaliya lagu badalo nabad si loogaaro xasilooni iyo hormar uu ku talaabsado shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda KMG waa dowlada ay aqoonsantahay beesha Caalamka loona baahanyahay in ay taageero ka hesho beesha Caalamka hadii ay ahaan laheyd dhinac dhaqaalaha sahayda militari iyo waliba dhinac walba.
“Hadaan nahay madaxda afrikaanka ah waa in aan garab istaagnaa dowladda KMG Soomaaliya waxaana ugu baaqeynaa beesha Caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan taageero loola gaaro beesha Caalamka” ayuu yiri meles Zenawi.
Dhinaca kalana Madaweynaha wadanka Uganda Yuweeri Musafani ayaa ku casuumay wadankiisa Ra’iisul wasaare Zanaawi isagoo sheegay in uu qeyb ka noqon doono kulanka 15-ka bishaan ururka midowga afrika ay ku yeelan doonaan Magaalada Kampaala ee dalka Uganda.
Related posts:
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
- Dowladda Suuriya oo ku baaqday in Soomaaliya la taageero.
- Xildhibaano ku baaqay in doorashooyinka lagu qabta gudaha Somaliya
- Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ugu baaqay Xarakada AL Shabaab iyo Xisbul Islaam in ay la heshiiyaan dowladiisa.
- Ra’iisul wasaare Max’ed C/laahi Farmaajo oo is casilay
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2340












