Guddiga doorashada Somaliland oo soo saaray Tirada codbixiyeyaasha Somaliland.

Bariisle:Monday 21 June 2010(HARGEISA)Guddiga doorashada Somaliland ayaa shalay soo saaray liiska rasmiga ah ee u dambeeyay ee cod bixiyeyaasha doorashada, waxaana ay sheegeen in doorashadu ay dhaceyso waqtigii loo iclaamiyay.

Shir jaraa’id oo guddigu ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu soo bandhigay tirada guud ee dadka codkooda ka dhiiban doona doorashada Somaliland oo ah 1, 069, 914 qof.

Afhayeenka guddiga doorashada Somaliland Maxamed Axmed Xirsi ayaa waxa uu sheegay in sanadkii 2008 tirada dadka is diiwaangeliyay ay ahaayeen 1,375,660, taasi oo uu sheegay in markii ay haatan sifeeyeen liiskaasi ay ka saareen tiro ah 305,746.

Afhayeenku waxa uu sheegay in dhamaan xisbiyada siyaasadda Somaliland ay siiyeen nuqul ka mid ah liiska, isla markaana aanu jirin wax khilaaf ah oo raali laga wada yahay.

Doorashada Somaliland, oo dhawr jeer oo hore dib loo dhigay ayaa lagu wadaa in la qabto maalinta Sabtida ee 26-ka bishan June.

Related posts:

  1. Guddida Doorashooyinka Somaliland oo qoraal shuruudo ah u gudbiyay Xisbiyada iyo Qalabkii Doorashada qaarkood oo dalka soo gaadhay
  2. Hambalyo Madaxweynaha Somaliland iyo talo soo jeedin ku socota Guddiga ka soo tala bixinta ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo dadka la hayb sooco
  3. Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
  4. Xildhibanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo weli ku horayso Wareeggii labaad doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka
  5. Wasaarada arimaha qoyska ee Somaliland oo sheegtay in dhulka Somaliland lagu kala iibsado jirka dadka shacab ah iyo walaac ay ka muujisay arinkaasi.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2354

Posted by on Jun 21 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com