Xildhibaanadii Dalada Sameystay oo sheegay inay ka shaqeynayaan tir tirista 4.5
Bariisle:Monday 21 June 2010 (Muqdisho)Xildhibaanadii dhawaan Magaalada Muqdisho ku sameystay Dalad ay ku mideysanyihiin oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka shaqeynayaan sidii ay u tir tiri lahaayeen xeerka 4.5 oo ay haatan ku dhisantahay dowladda KMG Soomaaliya.
Kulan ay maanta yeesheen qaar ka mid ah xildhibaanada la magic baxay Kudlada Toosinta iyo badbaadinta Qaranka ayaa waxaa ay ku magacaabeen 30 xubnood oo uu ka mid yahay gudoomiyaha Kudlada oo loo magacaabay xildhibaan Cabdi Xaashi, 4 gudoomiye ku xigeen, xogyahaha Kudladaasi, iyo 7 gudi oo loo dhisay hormarinta kudlada.
Markii uu kulankaasi soo gabagaboobay ayaa waxaa saxaafada la hadlay xildhildhibaan C/qaadir Nuur Caraale isagoo sheegay in waxyaabaha loo soo magacaabay xubnahaani ay yihiin sidii ay u hormari lahaayeen waxqabadka Dalada ay sameysteen xildhibaanada Barlamanka.
Kulankaani ay maanta yeesheen Xildhibaanada Toosinta iyo badbaadinta Qaranka ayaa waxaa ay go’aansadeen in la tirtiro Xeerka 4.5 oo ay ku dhisan dowladda KMG Soomaaliya sida ay sheegeen dad farabadan oo Soomaali ah ka careysiisay, waxa ayna sheegeen in loo baahanyahay sinaan iyo wax wada qeybsi, waakan Xildhibaan C/qaadir Nuur Caraale oo mar kale arinkaasi ka hadlaya.
Kulankaani ay maanta yeesheen xildhibaanada Sameytay Dalada la magacbaxday toosinta iyo badbaadada qaran ayaa waxaa uu imaanayaa xili xildhibaano ka tirsan Barlamanka ay ka soo horjeesteen daladaasi oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid lagu kala qeybinayo Barlamanka KMG Soomaaliya.
Related posts:
- Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya
- Dowladda iyo AL Shababa oo sheegay inay sii wadayaan dagaalada Muqdisho.
- Ururka Midawga Yurub oo sheegay inay dhawaan tababar u furi doonaan ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa dawladda KMG ah ee Soomaaliya
- Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka
- Dalalka Ruushka iyo Jarmalka oo sheegay inay wadaan dadaallo ay gacan ku siinayaan Dowladda Soomaaliya ayna kaga hortagayaan Burcadbadeedda
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2364












