Holland oo ciidamo mariinis ah u soo daabuleysa xeebaha dalka Soomaaliya.

Bariisle:Wednesday 23 June 2010(Amsterdam)Dowladda Netheland ayaa sheegtey in ay xeebaha Soomaaliya ay u soo daad gureyn doonta ciidamo farabadan oo kuwa mariiniska ah kuwaasoo dowladdu sheegtey in ay ka qeybqaadan doonaan barnaamajka la dagaalanka kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ka soconaya xeebaha Soomaliya iyo biyaha gacanka Cadmeed.

Wasiirka gaashaan dhiga dalka Netherland ayaa daaha ka rogay in go’aankan soo dirista ciidamdooda uu yimid ka dib markii madaxda sarsare ee ciidagamada gaashaanbuurta NATO ee jooga xeebaha Soomaaliya islamkaana ka wada barnaamajka ALTLANTA ay ka mideysanyihiin wadamada reer Yurub kuwaasoo maraakiibtoooda dagaalka iyo ciidamadoodaba ay hawlgalo looga hortagayo burcad badeedda Soomaaliya ay ka wadaan xeebaha Soomaliya iyo weliba biyaha sida aadka ah uga fog Soomaaliya.

“Weynaga go’antahay waana waxaan isku afgaranay inaga iyo NATO inaan isla hawlgalno sidaasi daraadeed dhamaadka bisha September iyo Octoobar ayaan soo dhamystireynaa ciidamdanneb waxayna imaan doonaan xeebaha Soomaaliya,: ayuu yiri wasiirka gaashaandhiga dalka Netherland.

Si kestaba ha ahaatee hadalka dowladda Netherlands iyo soo dirista ciidamdaeeda Mariniska ayaa ku soo beegmayo xilli dhowaan Ururka Midow Yurub uu kordhiyey barnaamajka Atlanta ee dagaalanka burcad badeedda Soomaalida lagana dhigey ilaa sanadka 2010-ka.

Related posts:

  1. Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
  2. Wasiir ka tirsan dalka Jarmalka oo sheegay in wadamadda horumaray ay sabab u yihiin burcad badeeda ka jira xeebaha Soomaaliya.
  3. Maraakiib dagaal oo soo gaaray Xeebaha Somaliya
  4. Burcad badeeda Soomaalida oo qafaashay 3-Markab oo laga leeyahay wadanka Thailand oo mararyay meeel ka fog xeebaha Soomaaliya.
  5. Afhayeen u Hadley Burcad badeeda Soomaalida oo maanta sheegay in ay sii kordhinayaan weerarada Maraakiibta shisheeye ee mara xeebaha Soomaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2368

Posted by on Jun 23 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com