Wakiilka Cusub ee UN-ka u xilsaaran Somaliya oo baaq u diray dhinacyada Somalida.

Bariisle:Wednesday 23 June 2010(Nairobi)Ergeyga Cusub ee Qaramada Midoobay ay dhawaan u magacowday dalka Soomaaliya ayaa Markii ugu horeysay Baaq wada jireen ah u jeediyay dhinacyada isku heysta Siyaasadda Soomaalida eek u dagaalamaya Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Mr. Augustine Mahiga oo ah ergayga cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in muhiimada koowaad uu saari dooni sidi uu miiska wadahadalka isugu keeni lahaa dowlada KMG iyo Islaamiyiinta kula dagaalamaya dalka Soomaaliya si ay u qaadaan wadada dib u heshiisiinta.

Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay xooga saareyso sidii nabada ay ugu soo celin laheyd dalka Soomaaliya, isagoo intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay I muhiimada koowaad la siiyo in la hergaliyo howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya.

Mahiga oo hadlkiisa sii wata ayaa waxaa uu carabka ku dhiftay in mar uun uu ku fikarayo in uu qaado talaabadii uu horay u qaaday Axmed Walad Cabdala oo ahaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay kaasi uu sanadkii la soo dhaafay isku keenay Dhinacyo mucaarad isku ahaa.

Ugu dambeyntii Safiirka dowladda Tanzania ee UN-ka ahna Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay waxaa uu dadka Soomaalida ugu baaqay in ay ka dhowrsanaadaan goobaha dagaalada maadaama dadka ugu badan ee dagaalada ku dhimanaya ay yihiin shacabka rayidka ah.

Waa marki ugu horeysay ee Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ay u xilsaartay Soomaaliya uu baaq u jeediyo dhinacyada isku haya dalka Soomaaliya tan iyo marki dhawaan uu soo magacaabay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban ki-moon.

Related posts:

  1. UN-ka oo taageeray go’aankii uu Xaaladda Somaliya ka qaatay Ururka IGAD.
  2. Ra’iisul wasaare Farmaajo oo baaq u diray Jaaliyadaha Soomaalida.
  3. Jaamacada Carabta iyo Qaramada Midoobay oo isku raacay in aan waxba laga qaban Karin arimaha Soomaaliya inta laga helayo heshiis wadareed ay galayaan dhinacyada Soomaalida.
  4. Qaramada Midoobay oo Xafiisyadeeda u soo rareysa gudaha Soomaaliya
  5. Midowga Yurub oo sheegay in aysan cunaqabateyn saareyn dekadaha ay maamulaan dhinacyada ka horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2374

Posted by on Jun 23 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com