Ciidamada dowlada KMG oo isku rasaaseeyay degmada X/jajab ee G. Banaadir.

Bariisle:Saturday 26 June 2010(Muqdisho)Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG Soomaaliya waxaa ay maanta ku dhexmartay agagaarka Isgoyska Ceelgaab ee degmada X/jajab.

Israsaaseyntaani oo dhexmartay ciidamada Militariga iyo kuwa boolliska dowlada KMG Soomaaliya ayaa la sheegay inay timid kadib markii ay kala shakiyeen ciidamadaasi xili ay isgoyska Ceelgaabta lug ku marayeen Ciidamada militariga dowladda KMG Soomaaliya.

Inta la ogyahay waxaa israsaaseyntaasi  ku dhintay askari ka tirsan ciidamada Booliska iyadoo ay ku dhaawacmeen 2 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada militariga dowladda KMG Soomaaliya sida uu Shabelle uu sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka.

Iska horimaadkaani ayaa intii uu socday waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana iska horimaadku uu joogsaday markii ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG ay soo kala dhexgaleen ciidamadii dagaalamayay.

Xaaladda goobta uu iska horimaadku ka dhacay ayaa haatan waxaa ay tahay mid degan iyadoona ay dib u furmeen dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka halkaasi ka jiray oo uu saameeyay iska horimaadkaasi.

Related posts:

  1. Iska horimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmaray degmada X/jajab ee gobolka Banaadir.
  2. Israsaaseyn ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowlada KMG oo maanta ka dhacday degmada Dharkeenlay ee G/Banaadir.
  3. Cutubyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo maanta fariisin ka dhigtay Bangigii Ganacsiga ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.
  4. Xukuumadaha Ururka Midowga Yurub oo isku raacay in la bilaabo tababar dalka Uganda loogu fidinayo ciidamada militariga dowladda KMG ee Soomaaliya
  5. Qarax Qasaare nafeed geystay oo maanta Ciidamo ka tirsan dowladda KMG lagula eegtay degmada X/jajab iyo Xarakada Al Shabaab oo sheegtay Qaraxaasi.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2388

Posted by on Jun 26 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com