Madaxweyne Shariir oo shacabka ugu hambaliyeeyay munaasabada 26-ka June.
Bariisle:Saturday 26 June 2010(Muqdisho)Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed hawada u marsiiyay Hambaliyo ku aadan munsaabada 50 guuradii ka soo wareegatay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah la suray.
Iyadoo maanta ay ku beegantahay 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay ka xoraabeen gumeystihi ingiriska gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya islamarkaana si xor ah loo taagay Magaalada Hargaysa Calan Soomaaliyeed oo muujinaya madaxbanaani iyo xoriyada Buuxda ayaa xuska Maalintaasi waxa hambaliyo shacabka Soomaaliyeed hawada u mariyay Madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Sharif SHeekh Axmed.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa uu ugu horeyn u mahad celiyay dhalinyaradii, odayaashii iyo haweenkii ka qeyb qaatay in la soo celiyo xoroyadii dalka Soomaaliyeed islamarkaana mideeyay gobolada Waqooyi iyo kuwa koofureed marki ay xoriyada wada qaateen 26-kii june iyo 1-dii luuliyo ee 1960-kii, waxaana uu sheegay in loo baahanyahay in qof walba oo Soomaaliyeed uu si weyn u xasuusto munaasabadaani Maadaama ay tahay maalin ku weyn umada Soomaaliyeed.
Sido kale Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa uu soo hadal qaaday doorashooyinka Maanta ka bilaawday Magaalooyinka Somaliland, waxaana uu sheegay in isagoo uga faa’ideysanaya munaasabadaani 26-ka june uu hambaliyo hawada u marinayo Somaliland, isagoo u rajeeyay in doorashooyinka ka socda ay si cadaalad ah ugu soo gaba gaboobaan.
Waxaa tilmaamay in uu ku rajo weynyahay in natijada ka soo baxda doorashooyinkaasi Somaliland inay noqoto ti xoojisa nabada iyo deganaashaha Somaliland islamarkaana fure u noqota nabada iyo midnimada gobolada kale ee koofureed, isagoo carabka ku dhiftay in ay diyaar u yihin wax walba oo tanaasula oo keeni kara in laga wada qeyb qaato midnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha dowladda KMG waxaa uu tilmaamay in munaasabadaani ay ku soo beegantay waqti shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan dhibaatooyin aad u adag oo uu sheegay inay horsed u yihin dhalinyaro Soomaaliyeed oo uu tilmaamay in ay ku shaqeynayaan fikrada cadow Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay nasiib daro tahay in qaladaad farabadan ay ka dhaceen dalka Soomaaliya taasi oo uu sheegay in ay keentay arimaha maanta ka jira dalka, isagoo madaxweynuhu balan qaaday in midnimadi dhaawacantay dib loo nooleynayo maadaama shacabka Soomaaliyeed ay yihin kuwa aan kala go’i karin.
Maanta oo ay ku beegantahay 26-ka June ee sanadka 2010-ka ayaa ah 50 guuradii ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya islamarkaana ciida Soomaaliyeed laga suray calan ay leedahay Soomaaliya kadib marki dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ay dhigoodi iyo maalkoodii ay u hureen in ay dalka ka saaraan gumeystihi Ingiriiska ee xiligaasi gumeysanayay gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, waxaana munaasabadaani ku lamaasan munaasabada 1-da Luulyo ah iyana maalintii ay xoroobeen gobolada Koofureed islamarkaana ay midoobeen Waqooyiga iyo koofurta dalka Soomaaliya.
Related posts:
- Madaxweyne Shariif oo u Hambaliyeeyay Umadda Soomaaliyeed.
- Shariif oo shacabka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dagaalada
- Madaxweyne Shariif oo Caalamka ku eedeeyay Wax ka qabasho la’aanta Somaliya.
- Dowladda Britain oo sheegtay in Malaayiin Doolar ay ugu deeqayso Soomaaliya kadib markii madaxweyne Sheekh Shariif Axmed uu booqday magaalada Landon.
- Ra’iisul wasaarihii DKMG oo is casilay iyo Madaxweyne Shariif oo soo dhaweeyay.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2378












