Saaka waxaa lagu jarmaaday goobaha cod bixinta.

Bariisle:Saturday 26 June(HARGEISA)Inta hurdada ku daahday waxay ku soo tooseen safaf dhaadheer oo ay gadaal ka gaadh ku noqdeen.

Waxaa la doonayaa in nimanka siyaasadda Somaliland ugu tunka weyn la kala saaro.

Madaxweynaha, Daahir rayaale Kaahin, ayaa waxaa isku taagay Hoggaamiyayaasha mucaaradka, Axmed Maxamed Silaanyo, iyo Feysal Cali-Waraabe.

Ha yeeshee, waxaa sutida u haya dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga doorashada oo kaashanaya ciidanka ammaanka.

Waxaa la diyaariyay sanaadiiq fara badan oo loogu tala galay in ay ku fillaadaan tirada gobol walba laga diiwaan geliyay.

Dadka is diiwaan geliyay

Tirada dadka is diiwaan geliyay

Maroodi-Jeex (Hargeysa) 361,498
Togdheer (Burco) 243,221
Awdal (Borame)  
Sanaag (Ceeri-Gaabo) 146,371
Sool (Laas-Caanood) 98,314
Saaxil (Berbera) 43,097

Gobolka Maroodi-jeex, ee Hargeysa, waxaa iska diiwaan gelisay 361,498 qof.

Togdheer oo ah Burco, waxaa is qoray 243,221 ruux.

Awdal waxaa kaadhadha qaatay 176,912 ruux.

Sanaag waxaa diyaar ah 146,371 qof.

Sool ayaa laga sugayaa 98,314 codbixiye.

Saaxiil waxaa la dhigayaa sanaadiiq ku filan 43,097 is diiwaan gelisay.

Isu socod ma jiro

Waxaa amar lagu bixiyay in aanuu socon karin gaadiid aan la siin ruqsad khaas ah.

Waxaa looga jeedaa in sidaa ammaanka lagu sugo.

Isla markaana aanay u sahlanaan cid kasta oo laga yaabo in ay dooneyso in ay wax carqaladeyso.

Guddiga doorashada ayaa maamulka gacanta ku haya.

Ciidamada ammaanku nabadda iyo habsami u socodka ayay ilaalinayaan.

Waxaa goob kasta oo cod lagu bixinayo xubno ka wakiil ah murashixiinta Madaxa is daray.

Dusha ayaa waxaa ka eegaya korjoogto caalami ah.

Related posts:

  1. Taliska Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay ka war heleen qaraxyo la doonayo in lala beegsado goobaha ay ku badanyihiin dadka Shacabka ah.
  2. Xaflada xuska 1-da Luulyo ayaa lagu qabtay dalka kuwait waxaa soo Agaasimay Ururka Dhalinyarada Somaliyeed ee Dalka kuwait
  3. Qurba-joog Uu Ka Mid ahaa Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Saaka Aroornimadii Ka Soo Dagay garoonka Diyaaradaha Jijiga‏
  4. Hambalyo Madaxweynaha Somaliland iyo talo soo jeedin ku socota Guddiga ka soo tala bixinta ka qaybgalka siyaasadda ee haweenka iyo dadka la hayb sooco
  5. Habeenkii Ciidu soo galasay Magalada LONDON waxaa lagu caleema saaray Madaxweyne cusub M/G AWDAL STATE {Rashiid Aw-nuur xiris}Daawo Video

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2392

Posted by on Jun 26 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com