Dad rayid ah oo ku dhintay Madaafiic Caawa ku dhacday qeybo ka mid Muqdisho.

Bariisle:Monday 28 June 2010(Muqdisho)Madaafiic sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah ayaa Caawa waxaa ay ku dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho iyadoo iska horimaad koobana uu dhexmaray ciidamada dowladda iyo Islaamiyiinta.

Madaafiicdaani oo aheeyd kuwa xoogan ayaa caawa waxaa ay ku dhacday Xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Kaaraan, Shibis iyo Boondheere, waxaana halkaasi qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah.

Inta la ogyahay ayaa duqeyntaasi waxaa ku dhintay 3 ruux iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen 4 kale kadib markii madaafiic ka mid aheeyd madafiicdii galabka lagu garaacay xaafadah Waqooyi ee Magaalada Muqdisho ay ku dhaceen Xaafada Anjantiini ee degmada Kaaraan.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Caawa Shabelle la hadlayay ayaa waxaa uu sheegay in uu indhihiisa saaray meydadka sedaxda ruux iyo dhaawac 4 kale isagoo sheegay in dadkii dhaawacmay loo qaaday isbitaalka keysanay ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Duqeynta ayaa waxaa ka horeeyay iska horimaad galabta ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray Xaafado ka tirsan degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir, waxaana daqiiqado kadib markii uu iska horimaadkaasi joogsaday bilowday duqeyn aad u xoogan oo ku soo dhaceysay nawaaxiga goobaha dagaaladu ay ka socdaan iyo xaafado kale.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Al Shabaab oo qaar ka mid ah warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in iska horimaadkii maanta ay guulo ka gaareen ciidamada Al Shabaab waxaana uu sidoo kale sheegay in ay qabsadeen deegaano kale oo uu sheegay inaysan horay u joogin.

Majiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhanka dowladda KMG Soomaaliya oo ku aadan sheegashada gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka Banaadir ee  ah inay jab u geysteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan waxaa ay tahay mid degan marka laga reebo rasaas teel teel ah oo ay isku ridayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ee isku horfadhiya degmooyinka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho.

Related posts:

  1. Duqeyn qasaare geysatay oo Caawa fiidkii ku dhacday qeybo mida ah Bakaaraha.
  2. Dad rayid ah oo ku dhintay dagaalada maalintii lixaad ka socda Magaalada Muqdisho.
  3. Madaafiic sababtay dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo galabta ku dhacday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
  4. Madaafiic dhimsho iyo dhaawac ay ka soo gaartay dad rayid ah oo galabta ku dhacday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
  5. Iska horimaad iyo duqeyn ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2405

Posted by on Jun 28 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com