Duqeyn qasaare geysatay oo Caawa fiidkii ku dhacday qeybo mida ah Bakaaraha.
Bariisle:Wednesday 30 June 2010(Muqdisho) Duqeyn ay ku dhinteen dad rayid ah islamarkaana kuwa kale ay ku dhawaacmeen ayaa Caawa waxaa ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyadoo iska horimaadyana ay ka dhaceen waqooyiga Muqdisho.
Inta la ogyahay duqeynta caawa ku dhacday Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku dhintay in ka badan 5 ruux iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 15 kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Duqeynta ayaa la sheegay in ay timid kadib markii galabta Maqribkii iska horimaad uu ku dhexmaray Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa xarakada Al Shabaab inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana xiligaasi kadib bilowday duqeyn aan kala joogsi laheyn.
Cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka gurmadka deg deg ah oo Shabelle caawa u waramayay ayaa waxaa uu sheegay in ay qaadeen dhaawaca ilaa 9 ruux isagoo intaasi ku daray in dhamashadana ay ku ogaayeen ilaa 4 kale.
Dhinaca kale waxaa iska horimaad galabta uu ku dhexmaray degmooyinka C/casiis iyo Shibis ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Xarakada Al Shabaab iyadoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay iska horimaadkaasi.
Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa dagaaladii ka dhacay Magaalada muqdisho waxaa ay dhabar jab ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo madaafiicda guryahooda ay ugu tagtay.
Related posts:
- Iska horimaad iyo duqeyn ka dhacday qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho
- Dad rayid ah oo ku dhintay Madaafiic Caawa ku dhacday qeybo ka mid Muqdisho.
- Israsaaseyn qasaare geysatay oo Maanta garoonka diyaaradaha ku dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
- Dagaalo iyo Duqeymo waxyeelo geystay oo Galabta ilaa iyo Caawa Fiidkii ka dhacay xaafado kamid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
- Duqeyn Madaafiic ah oo sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad rayid ah oo maanta ku dhacday Xaafado kuyaal degmada Howlwadag ee gobolka Banadir.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2410












