Madaxweyne Shariif oo caawa Ciidamada dowlada kula hoyanaya Jiida Dagaalka.

Bariisle:Wednesday 30 June 2010(Muqdisho)Warar hoose oo ay heshay Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sheegay in Caawa Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ciidamada dowladda kula jiro Jiida hore ee goobaha dagaalka ee Magaalada Muqdisho.

Sida Idaacada Shabelle ay caawa u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in caawa uu ku jiro aaga hore ee saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalada u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab ee Magaalada Muqdosho.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Caawa uu diyaar u yahay in uu ka barbar dagaalamo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana sidoo kale la sheegay inay wehlinayaan ciidamada dowladda KMG, Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Masuulka dowladda ee warkaani inoo xaqiijiyay ayaa yiri “Madaxweynaha waxaa uu gacanta ku heystaa qori Ak47 ah, waxuuna diyaar u yahay sidii uu dalka difaaciisa uga qeyb qaadan lahaa”

Waxaa sidoo Shabelle loo xaqiijiyay in Jiida hore ee dagaalka uu Caawa ku jiro Wasiirka arimaha gudaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyadoo la sheegay in uu hogaaminayo gaadiid dagaal oo aad u farabadan.

Arintaani ayaa ku soo aadeysa xili shalay ilaa maanta Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Ururka Al Shabaab.

Related posts:

  1. Madaxweyne Shariif oo caalamka ka dalbaday inay u tababaraan Ciidamada DKMG.
  2. Madaxweyne Sheekh Shariif oo la leh Saraakiishiisa Ciidamada Kulamo xasaasi ah iyo Madaxweynaha oo gashtay Tuute Cusub
  3. Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
  4. Madaxweyne Shariif oo Caalamka ku eedeeyay Wax ka qabasho la’aanta Somaliya.
  5. Shariif oo ciidamada dowladda ugu baqay in ay naftooda u huraan DKMG.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2415

Posted by on Jun 30 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com