Qasaarihii ka dhashay dagaal xalay iyo Saakay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhey.

Bariisle:Monday 19 July 2010(Muqdisho)Waxaa sii kordhey qasaarihii ka dhashay dagaalo iyo duqeymo xalay ilaa saakay aroortii hore ka dhacayay qeybo ka mid ah xaafadaha Waqooyi ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah.

Kadib markii xalay ilaa saakay dagaalo u dhaxeeya Al Shababa iyo dowladda KMG ay dib uga qarxeen xaafadaha waqooyi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaaladaasi, waxaana inta la ogyahay ku dhintey 15 ruux iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen dad kor u dhaafaya ilaa 30 kale kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah.

Dagaalada ayaa la sheegay inay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay, waxaana la sheegayaa in dhowr askari ay kaga geeriyoodeen ciidamada dowladda halka 2 kalana ay uga dhaawacmeen, iyadoo dhinaca kala dadka deegaanku ay sheegeen inay arkayeen meydadka 2 dagaalyahan oo ay horey u qaadanayeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kuwaasi oo ku dhintey dagaaladii saakay ilaa xalay ka dhacay Waqooyiga Muqdisho.

Dagaalada saakay dib uga qarxay Xaafadaha Waqooyi ayaa si xun waxa ay uga dhacayeen Xaafadaha degmooyinka Shibis iyo C/casiis halkaasi oo ay isku mari la’yihiin Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab iyo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana madaafiicdii ay is weydaarsanayeen labada dhinac ay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo xaafadaha degmooyinkaasi ku sugnaa.

Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka gurmad deg deg ah oo Shabelle u waramayay Saakay ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyada in ka badan 26 ruux islamarkaana ay arkeen dhimashada ku dhawaad 10 ruux kuwaasi oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan, waxaana uu intaasi ku daray in ay ka kala qaadeen Xaafado ka mid ah degmada Kaaraan iyo Wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho oo iyaduna ay gaartey duqeynta AMISOM.

Saraakiil u hadashay Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday kadib markii weerar ay ku qaadeen ciidamada Al Shabaab fariisin ay lahaayeen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG.

Dhankiisa Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed C/kariin Faarax Dhagabadan oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in dagaalyahano badan ay ka dileen Al Shabaab markii ay weerarka ku soo qaadeen, waxaana uu dhinkooda sheegay in uu ka geeriyooday hal askari islamarkaana ay ka dhaawacmeen dhowr kale sida uu hadalka u dhigay.

Related posts:

  1. Magaalada Muqdisho oo saakay mar kale dagaal iyo duqeyn ku waabariisatay.
  2. Dagaalo qasaaro gaystay oo xalay iyo saakay ka dhacay Muqdisho
  3. Dagaal culus oo saakay ka qarxay waqooyiga Magaalada Muqdisho
  4. Dagaal qasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdisho
  5. Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2508

Posted by on Jul 19 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com