Ururka midowga Afrika oo doonaya qorshe ay ku tir tirayaan Al-Shabaab.
Bariisle:Wednesday 21 July 2010(Kampala)Ururka Midowga Afika ayaa sheegay in uu wado qorshayaal uu dalka Soomaaliya uga tir tirayo Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo dhawaan qarxiyay Magaalada Kampala oo Ururkaasi uu haatan ku shirayo.
Gudoomiye ku xigeenka ururka Midowga Afrika Erastus Mwencha ayaa sheegay in ajendaha ugu sareeya ee looga hadlayo shirka midowga Afrika ee ka soconaya dalka Uganda ay kamid tahay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabad galyo ee dalka Soomaaliya.
Erastus Mwencha wuxuu sheegay in rag qabiiriin ah oo ka socda dhamaan dalalka qaaradda Afrika ay wadaan qorshe Militari oo ay ku doonayaan in ay kaga tirtiraan dalka Soomaalia Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dagaalant dalka Soomaaliya.
Ku xigeenka gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Erastus Mwencha ayaa ka sheegay hadalkaan iyadoo magaalada Kampala ee dalka Uganda uu ka soconaayo shirka ururka midowga Afrika, waxaana Mr Mwencha uu intaasi ku daray in ururka IGAD iyo ururka midowga Afrika ay suura gal tahay in ay meel mariyaan qorshe lagula dagaalamayo waxa uu ugu yeeray Argagixisada Soomaaliya.
“Madaxdeena Milatari waxay ku kulmeen shir ka dhacay Adis Ababa, waxaana looga hadlay sidii ciidamo loo geyn lahaa Soomaaliya, qorsha shirkan Uganda ugu soconaya dalalka Afrika waxaa kamid ah sidii wax looga qaban lahaa Argagixisada dalka Soomaaliya ayuu yiri ku xigeenka gudoomiyaha ururka Midowga Afrika Erastus Mwencha.
“waxaa idin sheegi karaa in shirkaan ay suura gal tahay inuu kasoo baxo qorshe dhaxal gal ah” ayuu u sheegay wariyayaasha, isagoo ku sugan magaalada Munyonyo ee dalka Uganda.
Gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda midowga Afrika kuwaas oo nadad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, waxaana Uganda ka jooga 3400 oo askari iyo Burundi oo iyana ay ka joogaan 1600 oo askari, waxaana dhawaan madaxweynaha wadanka Uganda uu sheegay in Soomaaliya uu u diri doonno ciidamo dheeraad ah si uu ula dagaalamo waxaa uu ku tilmaamay Argagixisada ku sugan gudaha Soomaaliya.
Related posts:
- Ururka Midowga Yurub oo ugu baaqay dalalka Afrika in ay ogolaadaan in dalalkooda lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida.
- Shir Madaxeedkii Ururka Midowga Afrika oo ka furmay Addis Ababa iyo Madaxweynaha Benin oo Guddoomiye loo doortay
- Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya
- Ururka Midowga Afrika oo ku baaqay in la dhaqan galiyo cuno qabateyntii dhawaan lagu soo rogay dalka Eritrea.
- Midowga Afrika oo codsaday in lacaawiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2550












