Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in Ciidamo loo soo diro Wadanka Soomaaliya.

Bariisle: Saturday 24 July 2010(London)Dowladda Ingiriiska ayaa ku baaqday in Ciidamo faro badan oo African ah loo diro gudaha wadanka Soomaaliya si ay ugu biiraan Ciidama uruka Midowga Africa ee jooga gudaha Wadanka Soomaaliya oo dagaallo kula jira xooggaga Al Shabaab.

Xilli uu ka soconaya kulan 15-aad ee Ururka Midowga Africa magalada Kampala ee xarunta wadanka Uganda ayaa mas’uuliyiin ka mid ah maamulka wadanka Ingiriiska wax ay sheeygeen in muhiim ay tahay Ciidamo faro badan oo loo daad gureeyo gudaha Wadanka Soomaaliya, oo ay ka soconayaan dagaallo xooggan oo u dhexeeya Xarakada Shabaab Al Mujaahidiin iyo Ciidama Midowga Africa iyo kuwa dowladda KMG oo dhenac ah

Henry Pillingham oo ah Wasiirka arimaha Qaarada Africa ee Dalka Ingiriiska ayaa waraysa uu siiyay Wakaaladda wararka ee Reusters waxa uu sheegay in ay si wayn u soo dhawaynayaan aragtida ah in ciidamo faro badan loo diro Wadanka Soomaaliya oo ay iminka joogaan ciidamo ka kala socda wadamada Burundi iy Uganda.

“Waxaan si aad ah u soo dhawaynaynaa ajandaha looga hadlayo Shirka AU-da ee ka socda magaalada Kampala loogana hadlay arimaha amaanka Soomaaliya, waxana ka wal walsanahay suuro galnimada ah in meesha laga saaro jiritaanka dowladda KMG Soomaaliya oo dagaalo kula jirta Alshabaab oo haysto qaybo badan oo kamid ah Soomaaliya, hadaba sidaasi daradeed waxaa haboon in xoogga lasaaro taageerida dowladda KMG, in ciidamo loo diro Soomaaliya iyo in lasoo celiyo xasiloonidii iyo kala danbayntii Soomaaliya “ sidaasi waxaa yiri Henry Pillingham

Hadalka dowladda Ingiriiska ayaa ku soo aadaya xilli Ururka Midowga Africa uu ka dhawaajiyay in ciidamo ka socda wadamada Jabuuti iyo Gani ay sheegeen in ciidamo ay u soo diri doonaan Soomaaliya

Related posts:

  1. Golaha xildhibaanada Afrika oo dalbaday in Ciidamo dheeraada loo soo diro Soomaaliya.
  2. Dowladda Ingiriiska oo ka mamnuucday Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab in ay dhaqdhaqaaq ka sameyso gudaha wadankaasi
  3. Wasaarada gaashaandhiga ee dowladda Wadanka Kenya oo beenisay in Ciidamo Soomaaliyeed lagu tababarayo gudaha wadanka Kenya.
  4. Dowladda wadanka Ruushka oo Maraakiib horleh islamrkaana la dagaalanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida u soo dirtay xeebaha dalka Soomaaliya.
  5. Madaxweynaha dalka Kenya oo diiday dalab uga yimid Madaxweyne Sheekh Shariif oo ahaa in ciidamo lagu tababaray Kenya loo soo diro Soomaaliya.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2570

Posted by on Jul 24 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com