Dowladda Senegal oo aqbashay in ciidamadeeda ay u soo dirto Soomaaliya.
Bariisle:Tuesday 27 July 2010(Kampla)Dowlada Wadanka Senegal ayaa aqbashay in Ciidamo ka socda dalkaasi ay u soo dirto gudaha dalka Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada nabad ilaalinta ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Kadib markii dhawaan madaxweynaha dalka Uganda uu ugu baaqay madaxda Afrika in ay si deg deg ah ciidamo u geeyaan Soomaaliya ayaa Abdoulaye Wade oo ah Madaxweynaha wadanka Senegal oo hadal ka jeediyay gaba gabadii kulanii Madaxda Midowga Afrika uga socday dalka Uganda waxaa uu sheegay in dowladda Wadankiisa ay ciidamo u soo direyso gudaha wadanka Soomaaliya iyadoo tixgalineysa dalab uga yimaada Madaxda midowga Afrika.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Senegal in lagama maarmaan ay tahay ka qeyb qaadaashada sugida amaanka gobolka, waxaana uu isagoo tixgalinaya codsiga midowga Afrika uu sheegay in uu diyaar u yahay in ciidamo farabadan uu geeyo Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha Senegal ee ku aadan ciidamo u sii darista Soomaaliya ayaa durba waxaa soo dhaweeyay madaxweynayaasha Uganda iyo Soomaaliya oo si aad ah u doonaya in kooxaha islaamiyiinta Soomaaliya gacan bir ah lagu qabto.
Urur goboleedka IGAD ayaa horey u balan qaaday in Soomaaliya ay u dirayaan ilaa 2,000 oo askari oo ka socda wadamada midowga Afrika kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya dib u soo celinta nabada Soomaaliya.
Balan qaadkaani uu jeediyay madaxweynaha Senegal ayaa imaanaya xili dhawaan gudoomiyaha Midowga Afrika oo kulanka madaxada Afrka ka sheegay in dowladda Gani ay ogolaatay in ciidamo ay u soo dirto Soomaaliya iyadoo dhinaca kalana jabuuti ay sheegtay inay ciidamo keeneyso Soomaaliya.
Related posts:
- Dowladda Yugaandha oo shaacisay inaysan ciidamadeeda la baxay inta ay laga jabinayo Xoogagga kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya
- Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in Ciidamo loo soo diro Wadanka Soomaaliya.
- Ururka midowga Afrika oo doonaya qorshe ay ku tir tirayaan Al-Shabaab.
- Dowlada Botswana oo sheegtay in aysan ciidamo u soo direyn Soomaaliya.
- Dowladda Erirea oo sheegtay in dowladda KMG ee Soomaaliya aysan ka duwaneyn dowladihii aysan aqoonsan ee soo maray dalka Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2601












