Ku dhawaad 20 qof oo ku dhintay dagaal Galabta ka dhacay Muqdisho.
Bariisle:Tuesday 27 July 2010(Muqdisho)In ka badan 18 ruux ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal iyo duqeyn galabta ka dhacay Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkaani oo ay bar bar socdeen duqeyn waxyeelo soo gaarsiiyay dad rayid ah ayaa yimid kadib markii galabta Ciidamada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen xaafado ka mid ah degmada Hodon ee gobolka Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Caawa Shabelle u sheegay in dagaalku uu soo gaaray caw maqribkii waxaana ay tilmaameen in madaafiic ka mid aheeyd kuwii la is weydaarsanayay ay ku dhaceen xaafado ka baxsan goobaha lagu dagaamayo.
Duqeynta oo u bedneyd madaafiic cul culus ayaa ku dhacday gudaha iyo nawaaxiga Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana inta la ogyahay ku dhintay 15 ruux halka ku dhawaad 20 kalana ay ku dhaawacmeen.
Cali Muuse oo ah madaxa gaadiidka gurmad deg deg ah oo Shabelle u waramayay Caawa ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawacyada 16 ruux oo 10 ka mid ah ay ka qaadeen qeybta Dahablaha ee gudaha Suuqa Bakaaraha halkaasi oo uu ku soo dhacay madfac xoog badan.
Goobjooge ku sugan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa isna inoo xaqiijiyay in madfac ku soo dhacay degmadaasi ay ku dhinteen ilaa 3 ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen 9 kale.
Afhayeenka dhanka howlgalada ee Ururka Al Xisbul Islaami Max’ed Cusmaan Caruus oo Shabelle u waramayay ayaa sheegay in dagaalkii galabta uu jawaab u ahaa weerar saakay ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay dagaalkaasi ku gubeen gaari uu saaranyahay qoriga looyqaan Suuga sida uu hadalka u dhigay.
Caruus waxaa uu sidoo kale sheegay in ciimada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen dhowr fariisin oo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay ku lahaayeen Xaafada Taleex gaara ahaan agagaarkii Madaxtooyadii hore ee Madaxweyne C/qaasim, isgoyska Dabka iyo nawaaxiga xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Madaafiicda dadka shacabka ah ay ku dhinteen ee ku dhacday Xaafadaha dadka rayidka ayaa la sheegay in ay ka imaaneysa dhanka ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, waxaana sidoo kale madaafiicda dadka ku waxyeeleysay degmooyinka ay maamusho dowlada KMG ku garaacay xoogaga hubaysan ee la dagaalamayay ciidamada dowladda KMG.
Tirada guud ee dadkii dagaalada ku dhintay maanta oo dhan waxaa ay kor u dhaafayaan ilaa 18 ruux iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawaxmeen ku dhawaad 40 kale oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Related posts:
- Qasaarihii ka dhashay dagaal xalay iyo Saakay ka dhacay Muqdisho oo sii kordhey.
- Dad rayid ah oo ku dhintay dagaalada maalintii lixaad ka socda Magaalada Muqdisho.
- Dagaal Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho xaafado ku yaala degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Taleex
- Dagaal culus oo gabaldhicii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
- Dad rayid ah oo ku dhintay Madaafiic Caawa ku dhacday qeybo ka mid Muqdisho.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2607










