Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo maanta la dhaariyay

Bariisle:Tuesday 27 July 2010(HARGEISA)Xaflad balaadhan oo lagu dhaarinayay madaxaynaha cusub ee Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo ku xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici ayaa maanta lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen Waftiyo balaadhan oo ka kala socday wadama jaaarka ah sida Kenya oo uu ka socday wafti balaadhan oo uu hogaminayo gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macalin iyo 17 xubnood oo ka socda baarlamaanka Kenya, sidoo kale waxa ku sugnaa wafti balaadhan oo uu hogaminayo wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyada Jabuuti Cali Cabdi Faarax , iyo wafti kale oo ka socday dalka Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka dalxiiska ee dawlada Federaalka Itoobiya iyo xubno sare oo ka socda safaaradaha reer galbeedka ee ku yaala wadamada jaarka ah.

Xafladan oo ahayd mid si gaar ah lo soo agaasimay si aadna amaankeeda loo adkeeyay kuna sugnaayeen madax sare oo ka tirsan xisbiyada qaranka Somaliland ,Salaadiin, Cuqaal, Aqoonyahano, Abwaano, Golayaasha Sharci Dajinta iyo Guurtida, Qurbajooga somaliland iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Maxamed Xirsi Ismaaciil Oomane ayaa dhaariyay madaxwaynaha cusub ee jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo kuxigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici kuna Dhaariyay kitaabka quraanka ah intay hayaan xilka 5 sanadood ee soo socda inay Daacad unoqon doonaan Dalka somaliland.

Dhaartu markiii ay dhacday ayaa waxa sawaxan iyo sacab dheer ku soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub iyo kuxigenkiisa dhamaan dadkii madasha ku sugnaa oo si wayn oo qiiro ku jirtougu sacabtumay.

Ugu horayn waxa hadal qiimo badan ka soo jeediyay madaxwaynaha jagada ka dagay Mudane Daahir Riyaale Kaahin oo sheegay inuu aad ugu faraxxan yahay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilka si dimuqradiyad ah ku wareejiyay, waxaanu amaanay sidii sharafta iyo karamada u jirtay ee dadka reer Somaliland doorashada uga qayb galeen waxaanu balanqaaday inuu la shaqaynayo xukuumada Cusub ee xilka la wareegaysa.
Mudane Dahir Riyaale Kaahin wuxuu aad ugu faanay inuu noqdo madaxwaynihii ugu horeeyay ee dimuqraadiyada iyo doorashadaba ka hirgaliyay Somaliland.

Mudane Riyaale wuxuu qiray in xilku yahay mid adag oo shaqo badan u baahan isla markaana loo baahan yahay in dawlada cusub la garab is taago.Mudane Riyaale wuxuu aad ugu mahadnaqayn Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo uu sheegay inuu ka dhaxlayo dawlad iyo qaran dhisan oo uu sheegay in loo baahan yahay in halkaa laga sii wado himilada lagu doonayo in wadankan aqoonsi calami ah logu raadinayo

Mudane Riyaale wuxuu sheegay inuu wadamada jaarka ah la yeeshay xidhiidh sokeeye oo uu sheegay in xidhiidh kasta oo lala samamyanyo wadamada jaarka ah uu yahay furaha qadiyada Somaliland.
Wuxuuna mudane Riyaale ku soo gunaanaday in ul iyo diirkeed la noqdo mudnaantana la siiyo sidii layskugu duubnaan lahaa iyadoo dawlada cusub u baahan tahay in qofkasta garab ku siiyo sidii dawlada cusub u dardar galin lahayd hawlaha shaqda laga sugayo.

Sidoo kale waxa goobta hadal kooban soo jeediyay ayaa amaan u soo jeediyay dhamaan waftigii ka socday wadamada Jaarka ah ee Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya iyo wafitga qaaliga ah ee kasoo qayb galay xafaldan dhaarinta ah ee ka dhacaysay xarunta madaxtooyada Jamhuriyada Somalel and e Hargeysa.
Mudan Axmed Siilaanyo wuxuu qiray in xilka loo dhiibay yahaya mid aad u wayn , waxaanu balan qaaday in xilka loo dhiibay sidii uga haboon ugudan doono.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxa uu mahad naq balaadhan u soo jeediyay Waftiyadii kala duwanaa ee ka soo qayb galay xaflada, Waxa kale oo mahadnaq u diray Madaxwayne ismaaciil Cumar Geele iyo Raysal Wasaaraha itoobiya oo hambalyeeyay Doorashooyinkii Somaliland, Madaxwayne siilaanyo oo hadalkiisu aad u gaabnaa ayaa sheegay inuu barri ku dhawaaqi doono xukuumadiisa , isla markaana uu soo jeedin doono qudbad ku aadan xilka loo dhiibay

Xafladan oo ahayd mid aan hore loo arag isla markaana nidaamka iyo kala danbaynta aad u wacnayd , waxaana goobta ku sugnaa dad tiro badan oo ka socda dhamaan qaybaha bulshada Somaliland ka kooban tahay, xafladan oo amaankeeda si wayn u sugayeen ciidmada amaanka iyo ciidanka gaarka ah ee madaxtooyada Somaliland oo gaaf wareegayay gudaha iyo dibada madaxtooyada .

Madaxtooyada Somaliland horteeda ayaa waxa ku sugnaa kumanaan qof oo ka dhursugayay kuna Faraxsanaa Xilwareejinta ka dhacaysa Somaliland iyo dhaarinta madaxwaynaha Cusub. waxaana dareenka dadka aad ugu dheeraa in mar uun maqlaan xilka ka kal warejinta oo si habsami ah u dhaca.

Related posts:

  1. Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland
  2. Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG oo maanta lagu dhaariyay Muqdisho.
  3. Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumadiisa.
  4. Cakuye Beelaha Gabooye Reer Somaliland Miyaaney U Qalmiin Wasiir Buuxa. Aaweyse Sinaanti Iyo Cadaaladii M-Siilaanyo Wade
  5. Guddiga doorashada Somaliland oo soo saaray Tirada codbixiyeyaasha Somaliland.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2588

Posted by on Jul 27 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com