Cakuye Beelaha Gabooye Reer Somaliland Miyaaney U Qalmiin Wasiir Buuxa. Aaweyse Sinaanti Iyo Cadaaladii M-Siilaanyo Wade

Bariisle:Wednesday 28 July 2010(CANADA)Tan iyo intii ay jsomaliland ku dhawaaqdey gooni isu taaga jsomaliland -1991-ilaa hada oo ay tahey 2010.beelaha gabooye ee reer somaliland waxey soomareen marxalado kala duwaan oo iskugu jirey calaad,la,aan sinaan la,aan xaqiraad iyo duudsi cadaana oo xaquuqdooda la duudsiyo waxeyna intaasba ku soo naalonayeen riyo iyo rajo aan dhamaan oo ku saleysan samir iyo dulqaad saldhigiisu yahey ,samraa sadkiisa ma waayo ,taasise waxaad moodaa iney soo afjarantay oo ay ku soo gabagaboowdey nin la tumeey talo u taala..

hadaba mudada intaas leeg ee ay beelahan gabooye ee reer somaliland ee ay dishootey sinaan iyo cadaalad xumada hadheysey ee ay u dheertey xaqiraada maamul xumaanta waxaa jsomaliland soo marey afar dowladood iyo 4- madaxweyne oo mid ba mid ka ka dambeeya madaxweyne ay isku maaweelin jireen madaxweynahan dambaa dhaami doona kii hore oo xaquuqdiina idiin siin doona ilaa hada kii ugu dambeeyey uu ahaa madaxweynihii loogu hanweynaa ee ay beelaha gabooye ay is lahaayeen sida ka muuqatey hadaladiisii hore iyo balan qaadadiisa iyo waliba sida ku qoraan dastuurka siyaasada xisbiga kulmiye ee dadka laga tirada badan yahey inuu xaqooda iyo xaquuqdoodaba si aaney ku jiriin yooyootan uu u siin doono marka uu ku guuleysto doorashada madaxtinimada jsomaliland .

hadaba tan iyo intii uu ku guuleystey hogaanka dalka jsomaliland xisbigan kulmiye ee uu gudoomiyaha u ahaa madaxweynaha cusub axmed maxamed siilaanyo ee shaley xilka jsomaliland loo dhaariyey ee saakana ku dhawaaqey golihiisi wasiirada lagana filaayey siddii uu horeba ugu balanqaadey beelaha gabooye inuu siin doono xaq iyo xaquuqda ay ku leehyihiin jsomaliland ayaa waxey saaka noqotey mid lama filaana ku dhawaaqistii golihiisa wasiirada cusub oo laga filayey iney mar uun maanta beelaha gabooye ee reer somaliland ka dhex muuqan doonan wasiir buuxa oo ka soo jeeda beelaha gabooye laakiin nasiib daro sheekadu waxey noqotey anaa awood leeh oo dalka ka taliya ee beelaha gabooye xaquuqdoodu waa soor quudheed oo aan dhaafiinba wasiir ku xigeen sida hadaba ka muuqata golaha wasiirada cusub ,,naxdiin iyo amakaak bey saaka ku noqotey beelaha gabooye ee u hanweynaa iney xaquuqdoodii helidoonan saaka intaan lagu dhawaqiin golaha wasiirada cusub ee dowlada madaxweyne axmed maxamed siilaanyo..

hadaba su aasha masha taala waxey tahey aawey dhaartii shaley uu wacad eebe iyo walahida uu inoogu dhaartey madaxweynaha cusub axmed maxamed siilaanyo..ee aheyd sidatan..

waxana madaxweynaha cusub iyo ku Xigeenkiisa lagu dhaariyay kalmadahan dastuuriga ah oo kaga dabo dhawaaqayeen Guddoomiyaha iyadoo gacanta loo saaray kitaabka quraanka kariimka ah “Waxaan Ilaahay ugu dhaartay inaan u noqonayo daacad Diinta Islaamka, dalkayga Somaliland dadkiisana ku maamulaayo sinaan iyo cadaalad, intaan xilka hayo.”

hadaba aawey sinaan iyo cadaalada uu ku dhaartey madaxweynaha ee uu ku maamulayo dalka iyo umadiisa ..tan la baad aawey siyaasada dastuurkiisa ee dadka la heyb sooco uu kaga hadlayo sida ku qoraan hoos ee dadka laga dhaadhicinaayo inuu xisbigiisu dadka la heyb-sooco xaquuqddda siinayo .

guntii iyo gabagabeytii waxaan u soo jeedinaya dadka beelaha gabooye ee reer somaliland iney u guntadaan sidey xaquuqdooda iyo xaqooda u soo dhacsanlaheey si dagdagana ugu dhawaaqi lahaayeen xisbi mucaarada dal iyo dibad waxaanan idiin leeyahey ..dunida sow ma aragtaan dalkana sow ma aragtaan dadkana sow meyduun baraan damreeenkiinii maxaa la tagey doqoneey dabkaa. cakuye maxaa ciilkiyo cabashada ku badey aawey damiirkii….

halkana ka akhristana siyaasada xisbiga kulmiye ee leyduunku mariin habaabiyey….
XII. Siyaasadda Xisbiga kulmiye ee Dadka la Hayb-Sooco…

Siyaabo fara badan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco. Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed.

Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc
kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan
hayb-sooca. Kulmiye wuxuu aqoonsan yahay in
dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas
daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka
awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha,
waxabarashada, iyo siyaasadda.Page 42

Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in awoodsiinta
noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada
takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka
macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka

mid ah.
Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii
bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu
daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye
wuxuu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:
1.  In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraaseed
      wakiilnimada siyaasadeed ah oo heer deegaan
      iyo heer qarameedba leh.
2. In dhiirigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinaca waxbarashada
     iyo shaqada dawladda.
3. In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula
    dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo
    takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna
    laga soo saaro.
4. In saraakiisha dawladda ee sharci fulinta lagu
    wacyi-geliyo dacdarrada kooxaha laga tirada
    badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan
    geliyo lana baadho xad-gudubayada ku
   xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo
   dadka laga tirada badan yahay.
 5. In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey
     tababaridda dadka laga tirada badan
     yahay gaar ahaan xirfad siintooda.Page 43
6. In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn
fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar

ee ay ku hawlan yihiin…..

by– Barkhad xaaji cabdi mr gaboye …..

Related posts:

  1. Beelaha Gabooye Ee Reer London Waa Jibkoodibey Guteen”Waar Hasho Maankeyga Gadaye Ma Maseerbey Liqdey”Nimey Ku Hadhey H
  2. Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Yurub & W/America Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Somaliland iyo la taliyadiisa cusub ee ariamaha beelaha gabooye -Garyaqaan-Barkhad Jamac Hirsi.
  3. Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland
  4. Hadii aanay ka muuqan beesha Muuse Dheriyo dowlada Somaliland waa dowlad qabyo ah oon ka wada turjumayn danaha reer Somaliland{Dr Mustafa Ismael Dhinbiil Gaboye rights activist}
  5. Beelaha La Heyb-sooco Ee Gabooye ,Maxaa Xilalka Wasiirada Somaliland Looga Soocay?By Cabdirashiid Shaam

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2623

Posted by on Jul 28 2010 Filed under MAQAALO. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Cakuye Beelaha Gabooye Reer Somaliland Miyaaney U Qalmiin Wasiir Buuxa. Aaweyse Sinaanti Iyo Cadaaladii M-Siilaanyo Wade”

  1. runtu waa fanto maxaad uga saarteen qoraalkeyga waad baqa teen

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com