Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland
Bariisle:Wednesday 28 July 2010(CANADA)Maamulka Bahda shabakada wararka ee (Gabooyenews.com) iyo jaaliyada qurba joogta Yurub iyo north america ,ee beelaha gabooye ee reer somaliland waxey si wada jira hambalyo iyo bogaadiin aan la soo koobi kariin ay hawada u marinayaan madaxweynahooda cusub ee maanta la wareegey xilka madaxweyne nimada jamhuuriyada somaliland ,Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo dhamaan masuuliyiinta iyi taageerayaasha xisbiga kulmiye…
waxaan kaloon hambalyo iyo bogaadiin u direyna madaxweynaheenii iyo ku xigeenkiisa Mudane . Daahir Rayaale Kaahiin iyo .axmed dahir yasiin,,, ee sida quruxda badan ku wareejiyey xilkii iyo masuuliyadii ay hore ugu hayeen jsomaliland ,ee lagaga guuleystey doorashadii xaq iyo xalaasha ku dhacdey -26-juun -ee ka dhacdey jamhuuriyada somalialnd kuna guuleystey xisbigan cusub ee isbadal doonka ah ee maanta la wareegey madaxnimadii jamhuuriyada somaliland waxaa lagu tilmaami karaa doorashadii habka dimuqraadiyada ku dhacdey jamhuuriyada somaliland iyo madashii maanta ee xilwareejiinta ee ka dhacdey caasimada hargeysa ee jsomaliland ,midaan hore looga baran dalal badan oo caalamka horu marey ka mida iyo kuwa qaarada africaba .waana guul u soo hoyatey dhaman shacbiweynaha reer somaliland dal iyo dibadba waa horumar iyo hanan dimuqraadi oo ka hana qaadey jamhuurada somaliland,, wanu ku farxsanahey horumarka iyo hanaanka dimuqraadi ee ay gaareen shacabka iyo madaxdeena iyo masuuliyeenteena reer somaliland .
.waxaan se is wey diineynaa haddaanu nahey qurba joogta beelaha gabooye ee yurub iyo waqooyiga ameerica ee reer somaliland taloow umadayadan beelaha gabooye ee reer somaliland mudada 20-sanadood ee ay jirtey jsomaliland xaquuqdoodii iyo xaqii ay ku lahaayeen dalkaooda iyo ciidooda jamhuuryada somaliland ay ka maqaan tahey ee u ooman sinaan iyo cadaalad toloow madaxweynaheena cusub iyo dowladiisa cusub maka heli doonan sinaan iyo cadaalad iyo iyagoo xaquuqdoodii ka hela maamulka dowladan cusub oo si cadaalada ma ka dhex muuqan doonan golaha wasiirada iyo waaxyaha kale ee dowlada .
taasi waa su aal madaxayaga iyo maskaxdayada hadheysey waase la arki doonaa inuu u dhaami doono dowladihii hore u soo marey ee uu u dambeeyey madaxeyne daahir riyaale kahiin iyo inuu kaba sii dari doonto dowladan cusub ee uu maanta loo dhariyeyy madaxweynaheena cusub mudane ,,axmed maxamed siilaanyo.waxaanse ka rajeynaynaa allah stw, inuu madaxweynaheena cusub iyo madaxdiisakaleba ay noqon doonan kuwo ku dhaqma dhaarta ay dalka iyo dadka iyo diinta ay u mareen ee ah sinaan iyo cadaalad iney ku dhaqaan kuna maamulan dalkan jamhuuriyada somaliland ..aloow ka yeel kuwii xaqa allah rumeeya umadana u horseeda sinaan iyo cadaalad iyo horumar iyo aayatiin wacan .aamiinnnnnnnn..
ugu dambeeyntii hadaanu nahey shacbiga qurba joogta yurub iyo w/america ee beelaha gabooye ee reer somaliland waxaan marlabaad leehnahey madaxweynaheena cusub iyo dowladiisa cusuba hambalyo hamblayo hambalyo waanu iniid sugeynoo waanu idiin tabeynee soo dhawada oo sinaan iyo cadaalad iyo horumar dalkeena somaliland u horseeda….
.Qore -Barkhad Xaaji Cabdi(Mrgaboye)
Editorka Guud Ee Shabakada Isha Wararka Ee (Gabooyenews.com)Mr Gaboye….
Email: abokoriye1@hotmail.com.
Email: mrg@Gabooyenews.com.
Haed Office ,Kitchener Ontario Canada…
Related posts:
- Qurba Joogta Beelaha Gabooye Oo Baaq U Diraya Hay,adaha Xaquuqal Iisaanka iyo Baaq Cambaareyn Ku-JSomaliland.
- GUDOOMIYIHII QURBA JOOGTA BEESHA REER SHEEKH MUSE DHARIYE (MARXUUN-AXMED MAXAMED DHINBIIL))oo ku geeriyoodey magaalada Doha,qadar
- Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo maanta la dhaariyay
- Qurba Joogta Beesha Sheekh MuseDharie Raali Galiin Ka Bixisay Aflagado Loo Geystey Qaarka Mida Odoyaasha Beesha Gabooye
- Gudomiyaha Qurba Joogta Beesha Muse Dhariye{Mudane:Rashid Abdillahi Gaas}
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2614













dadka gabooye wey dhoohan yihiin ninkii gumaaday ayey ka doonayaan
inuu siiyo wasiiro iyo waxay xaq uleeyihiin waxaad doorateen iilka kii
dhigay u dacwootooy ,ninka layiraahdo siilaayo wuxuu dilay ugu
yaraan ,shan boqol oo qof oo gabooye ah markaas waxaan ka codsanyaa
dadka jooga yurub inay ku soo oogaan dacwad xasuuqa uu geystay dadka
gabooye markaas caloowe ka tashado waxay ka yeeli lahaayeen
xaqooda maqan inii siiyo siilaayo waa wax aan dhicikarin nin ku dilay
hadh makuu jiidaah waa maya