Kud ka Guur oo Qanjo u Guur{Gudoomiyaha Qurba Joogta Gabooyaha Somaliland Mude Rashiid Abdullahi Gas}

Bariisle:Thurday 29 July 2010(Sweden)waxaan halakan ku soo gudbinayaa anigoo ku hadalayaa araarata iyo fikirka qurbe joogta gabooyaha reer
somaliland sidaan wada og soonahay waxa somaliland   ka qabsoomay doorasho dhacay 26/06/2010 taas
oo ahyeed doorashadii maxdawayaha iyo kuxigeenka jsomaliland waxa ku guulaysaty xisbigii mucaardika
ahaa ee KULMIYE oo uu murashax u ahaa  axmed maxamed maxmuud siilaayo iyo ku xigeenkiis cabdiraxamaan saylici runtii waxaanu aamisanyeen inuu markuu ku guulaysato siilaanyo xilka dalka wax
badan ka badalaayo lakiin waxay xaajadii noqotay inuu  xaalku noqday KUD KA GUURO QANJO U GUUR
hadaba waxaan hadaanu nahay QURBE JOOGTA GABOOYAHA REER SOALILAND aanu si kulul u canbaraynayana mar kasatana aanan ka aamusi doonin sida xaqiraada iyo yasitaaka iyo muquurintunba
ku jirtee uu nagula kagcay madaxwayha cusub ee somalilnad si uu xaqyagii in dhaha uuga qarsasay sida uu
beelahii kalana u xishmeeyay beeshan aanu ka soo jeedanan uu u yarsatay waxaan baaq wada jira ah u
diraynaa hadaanu nahay dhamaan QURBE JOOGTA BEELAHA GABOOYE EE REER SOMALILAND cid kastoo
danaysa jiritaanaka somalilanad inaanu ahayeen xisbigan hada talada ku guulaysatay mid beeshaydii
mariyay waxay ka mudnyeed kuwii horana aanay marin waxay beeshu mudnyeed waxaan ku gubaabinaya
dhamaan QURBE JOGTA BEESHA GABOOYE EE REER SOMALILANAD inaynu gacmaha is qabsano umadena
aan cidana waxab u quudhaynina aynu beesha caalamaka u ban dhigano waxay kula kacaan kuwa ka taliya
somalinad mar kasatan inaynaan noqon beel la yarsto waxaan u sheegaynaa mudane SIILAANYO Iinaanu
nahay umad leh aqoon yahano wax garad madax dhaqmeed culima u diin iyo wax garad kaloo badan
waxaan mar labaad u sheegayaa mudane silaanyo in dalku u baahan yahay ictiraaf ictiraafkana ay beeshaydu
ku yeelan karto saamayn weeyay madama anuu nahay beel degta somaliland xaq u leh waxay helaan
beelaha kale ee nala dega somaliland waxaanu diyaar u nahay hadaanu nahay beesha gaboyee ee reer
somaaliland inaan gaadhsiino cabshdayada beesha caalamaka  kuna soo baahina dhamaan warbaahinata
aduunaka yaan la is odhan beeshan gabooye waa kuwii waligoodba waxa la siiyo ku qanci jiray waxaan xasuusinayaa mudane madax wayne silaanyo inuu kitaab jaamac gacata ku saraay yirinan inaan cadaalad iyo sinaan ku maamulaayo somaliland meeday cadadlaad ku dharratay  meeday sinaanatad ku dhartay mise waxa rumwaday wararkii odhan jiray GABOOYAHA IYO TIIN TIINAKA KU BATAY SOMALILAN WAAN KA BAABINAYAA taasi waxa  daliil u ah xukumadaad macagawaday ee anaa laga dhex arkin saamigii xaqa ahaa
iyo dhartii aad u maratay umada ku dooratay waxaan mar labaad iyo mar kasataba baaqaygan ku adaan xaqiraada iyo xisho la aanta ku habsatay umadeen aan u jeedinayaa kuwa ku nool dalaka gudihiisa
iyo kuwa qurbaha joogaba inay maanta ka kacaan fadhiga aanay habarnin ka aamusin xaqood gacmaha
la is qabsado sidii loo heli lahaa waxaynu xaqa u lahayan ee inaga maqan waxaan si xishmadi ku dheehantahay aan ku war galinayaa wabsaitada caalamiga ee ayanu beel ahaan leenahayna sida www.bariisle.com iyo www.gabooyenews.com iyo www.dulmane.com inay badiyaan dadaalak iyo u olalayta xaqa ka maqan umadeena waxaan ogahay in beesha gabooye ay codkeeda siisay mudane siilaanyo haduu is leeyahay kuumay codayeen waxan ku soo gabagabaynayaa maqaalakayagan aanu uugu magac daray kud ka guur oo qanjo u guur xaadu waa sidaas kii qabsadaaba beeshan  ma mariyo wajibkeeda lakiin waxa  waajibku yahay walalyaal
qube joog iyo kuwa dalka jogooba u kaca danihiina nina hadaynaan hadalin oynaan sheegi dhibatada ina haysa
in aan waxba la inoo qabanayin waxaan mar labaad iyo mar sadexaadba leeyahay waar ha loo guntado sidi
runta looga hadali lahaa umadeenana wax loogu qaban lahaa kuwa waajibku saaranayahayana   waa qurbe joogta gabooyaha reer somalilnad
wa bilaahi tawfiiq illhayna xaqa inaga maqan ha inoo soo xareeyo inagana ha ina garnsiiyo tubta toosan
GUDOOMIYAHA QURBE JOOGTA GABOOYAHA REER SOMALILAND
MUDANE RASHIID CABDILAAHI GAAS
SWEDEN…………………………………………………………………………………………………..

Related posts:

  1. Gudomiyahaa Qurba Joogta Gabooyaha Somaliland oo Hanbalyo u dirayaa Websitka cusub ee BARIISLE
  2. Yaan Codadkeenu Noqon hal bacaad lagu lisay‏{Gudoomiyaha Qurba Joogta Muse Dhariye Mudane:Rashid Abdullaah Gaas
  3. Jaaliyada Qurba Joogta Gobooyaha Sweden TACSI U Diraya Qoyskii-Gudoomiyihii Qurba Joogta Muse Dhariye(MARXUUN-AXMEDNUR MAXAMED-DHINBIIL).
  4. JAALIYADA GABOOYAHA CANADA OO TACSI U DIRAYA QOYSKI-GUDOOMIYIHI QURBA JOOGTA MUSE DHARIYE(MARXUUN-AXMEDNUR MAXAMED-DHINBIIL).
  5. Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2637

Posted by admin on Jul 29 2010 Filed under MAQAALO, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com