Madaxweyne; Waxaad Dhistay Xukuumad Ka Kooban Qaran iyo Qurbajoog
Bariisle:Thursday 29 July 2010(HARGEISA)Somaliland waxay soo martay hayaan dheer oo lahaa wakhtiyo farxadeed iyo kuwa murugoba lahaa, waxa shalay 27 july 2010 loo dhaariyey talada dalka Madaxweynihii 4aad. Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) . Alle ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali ( Tuur) ayaa ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee Somaliland oo lagu xasuusto ku dhawaaqidii gooni-isutaaga Jamhuuriyada Somaliland, waxaa ku xigay Marxuum Maxamed Ibrahim Cigal Alle ha u naxiistee oo isna lagu xasuusto sees u dhigida haykalka dawladnimo ee aynu manta wada dareemi karno, Madaxweynaha hadda talada ka dagay Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo isna runtii buuga xasuusta ee shacabka Somaliland ugu qoran hirgalinta dimoqoraadiyada iyo hanaanka xisbiyada badan ku dhisan.
Haddii aan usoo noqdo dulucda qoraalkaygan, waxaynu ognahay tartankii sedexda xisbi qaran ay ugu loo lameen hogaaminta Qaranka Somaliland mudada shanta sanno ee inagu soo fooda leh, iyada oo xisbi waliba shacabka usoo bandhigay barnaamijyo siyaasadeed iyo balanqaadyo ku aadan waxqabadka iyo baahiyaha kala duwan ee dalku u ooman yahay, sidaynu la socono kulmiye ayaa ku guulaystay hogaaminta Qaranka doorashadii qabsoontay 26 June 2010 isla markaana shalay oo ay bishu ahayd 27 July 2010 loo dhaariyey madaxtinimada dalka mudane Axmed Maxamed Maxamud ( Siilaanyo). Sababta shacbiweynaha somalilnd u doorteen xisbiga kulmiye waxay ahayd in uu keeno isbedel siyaasadeed iyo mid horumarineed guud ahaan Qaranka iyo bulshada somalilandba, halganka uu hogaanka dalka ku hantiyey xisbiga kulmiye ma ay keenin shakhsiyaad qurbajoog ahi iyo waliba xubnaha kasoo diga rogtay ururka qaran, balse boqolaal kun oo muwaadiniinta gudaha dalka ku kala nool oo Af iyo maal iyo adinba u huray xabadana isku dhigay inbadanina ay u god galeen ayay natiijada xisbiga kulmiye hantiyey ay ku timid, cadaalad marka aynu soo qaadno waxay leedahay fasilaado kala duwan, hogaamiyaha la doortaa cadaalada uu dalka ku dhiqi doono waxa fure u ah kolba sida uu ula macaamilo taageerayaashiisa iyo madaxda xisbiga ay kuwada abtirsadaan.
Waxaan kusoo afmeerayaa oo aan leeyahay Madaxweyne waxaa iga dardaaran ah in aad maskaxda ku hayso waxtarka bulshada kala duwan ee gudaha dalka ku nool ay u leeyihiin horusocodka qaranimada Somaliland, madaxweyne adigaanu ku dooranay, aqoontaada iyo waayo –aragnimadaada oo aanu ku kalsoonahay ayaanu dooranay, taas ayaa shacabka Somaliland intooda badani tobanka sanno kuugu soo garab taagnaayeen, oo ay kuula soo qaybsadeen geedi socodkii dheeraa ee xisbiga kulmiye, haddana ay diyaar kuula yihiin inay iskaa garab istaagaan hirgelinta himaladii uu xisbigu u balan qaaday mujtamaca Somaliland, dhinacaaga ayaanu taagan nahay balse waxaanu kaa sugnaa waa cadaalada inaad nagu hogaamiso.
Wabillahi tawfiq
Cabdirasaaq Sh Cali Askar
Related posts:
- Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland
- Madaxweyne Shariir oo shacabka ugu hambaliyeeyay munaasabada 26-ka June.
- Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafti uu hogaaminayo Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya
- Madaxweyne Shariif oo u Hambaliyeeyay Umadda Soomaaliyeed.
- Madaxweyne Shariif oo Caalamka ku eedeeyay Wax ka qabasho la’aanta Somaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2628












