Qurba Joogta Beelaha Gabooye Oo Baaq U Diraya Hay,adaha Xaquuqal Iisaanka iyo Baaq Cambaareyn Ku-JSomaliland.

Bariisle:Thursday 29 July 2010(CANADA)Baaq Cambaareyn Ah..Hadaanu nahey Qurba Joogta Beelaha Gabooye ee reer somaliland waxaanu si kulul u cambaareyneynaa madaxweynaha cusub ee somaliland oo ku tuuntey xaquuqdaan ku lahey golihiisa wasiirada..

Baaq..

Ku -Hay,adaha Xaquuqal Iisaanka Caalamka.
Ku-Hay,ada,Qaramada Midoobey.
Ku-Ururka Midowga Yurub .
Ku -Ururka Midowga Africa.
Ku-Ururka Jaamacada Carabta.
Ku-Urur Goboleedka Igad.
Ku-Dalalka Caalamka Ee Daneeya Arimaha Somaliland..

Hadii aanu nahey qurba joogta beelaha gabooye ee reer somaliland waxaanu si kulul u cambaareyneyna habka iyo hanaanka uu ku soo dhisey golaha wasirada dowlada cusub ee madaxweyne axmed maxamed ,,siilaanyo”taa soo anuu u aragno midaan sinaan iyo cadaalad lagu soo dhisin laguna tuuntey xaquuqdayadii iyo xaqii aanu ugu laheyn dowlada cusub maadama aanan ka heliin saamigii aanu kulaheyn oo ah inanu ku yeelano wasiir buuxa iyo ku xigeeno waxaanu leehnahey waa cadaalad daro waa sinaan la aan iyo takoor cadaana oo ka hana qaadey jsomaliland,

waxaanu aad uga xunahey sida ay caadeysteen maamulada hadba xukuunka qabsanaya jsomaliland oo caado iyo dhaqaan ka dhiigtey iney ku tuuntaan xaquuqda aadanaha ee beelaha laga tirada badan yahey ,waxaanu hay,adaha xaquuqal iisaanka iyo caalamka iyo qaramada midoobey ururka midowga africa iyo ururka jaamacada carabta iyo ururka midowga yurub iyo dalalka daneeya arimaha somaliland gaar ahaan ,dalalka ingiriiska ,mareykankan iyo fransiiska iyo dalalka mandaqada geeska africa ee ay ka mid ka yihiin ,dalka djabouti,kenya iyo ethoipia.waxaanu ugu baaqeynaa dhamantood ineyna indhaha ka qarsan cadaalad darnida ka jirta somaliland ee uu ku talaabsadey madaxweynaha cusub ee uu ku tuuntey xaquuqdii ay ku lahaayeen golaha wasiirada ee uu shaley soo dhisey hadaanu nahey beelaha laga tirada badan yahey ee gabooye ee reer somaliland waxaanu si degdega uga codsanayna iney ka hadlaan jawaabna uga bixiyaan falalka cunsurnimada iyo heyn-sooca ku dhisaan ee lagula kacey beelahas laga tirada badan yahey oo u oomana mudo badan cadaalad iyo sinaan..

waxaanu marlabaad ugu baaqeynaa dhaman hay,adahaas iyo ciddii daneynaysa arihama somaliland inaaney beelahan dulman mudada dheer mardambe u dulqaadan doonin xaquuqdooda lagu tumanayo iyo cadaalad darnida lagu hayo. caalamkana laga dhaadhicinayo beelaha laga tirada badanyahey xaqoodana waanu siinaa waxna waanu u qabaneynaa waxaanu leehnahey oo aanu u cadeyneyna hay,adaha u dooda xaquuqal iisaanka iyo caaalamka kaleba iney tahey wax umada iyo caalamka lagu majara habaabinayo oo sal iyo raad toona aan laheyn oo aan ka aheyn takoor iyo heyn-sooc lagu hayo umadayada laga tirada badan yahey ee gabooyaha reer somaliland ..waxaan sidoo kale baaq u direynaa dhaman umada beelaha gabooye dal iyo dibadba iney u midoobaan una istaagaan siddii ay xaqooqada u soo dhacsan lahaayeen una diyaar garoobaan halgan adag oo loogalo danta umada iyoo jiilka cusub oo aayahooda aanu uga talino .ugu dambeyntii waxaanu leehnahey beelahayaga laga tirada badan yahey ee gabooye samirkii iyo dulqaadkii waa naga soo dhamaaday waxaa maanta nala gudboon waa halgan inaanu u marnaa holac iyo dhib.

Qore-Barkhad Xaaji Cabdi “Mr Gaboye”

Editorka Guud Ee Shabakada Isha Wararka Ee (Gabooyenews.com)Mr Gaboye….
Email: abokoriye1@hotmail.com.
Email: mrg@Gabooyenews.com.
Haed Office ,Kitchener Ontario Canada

Related posts:

  1. Maamulka(gabooyenews.com)Iyo Qurba Joogta BEESHA -Gabooye Ee Yurub Iyo W/America Oo Hambalyeynaya Madaxweyna Cusub Muddane-, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Mudane. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)JSomaliland
  2. Jaaliyada Qurba Joogta Gobooyaha Sweden TACSI U Diraya Qoyskii-Gudoomiyihii Qurba Joogta Muse Dhariye(MARXUUN-AXMEDNUR MAXAMED-DHINBIIL).
  3. JAALIYADA GABOOYAHA CANADA OO TACSI U DIRAYA QOYSKI-GUDOOMIYIHI QURBA JOOGTA MUSE DHARIYE(MARXUUN-AXMEDNUR MAXAMED-DHINBIIL).
  4. Cakuye Beelaha Gabooye Reer Somaliland Miyaaney U Qalmiin Wasiir Buuxa. Aaweyse Sinaanti Iyo Cadaaladii M-Siilaanyo Wade
  5. Kud ka Guur oo Qanjo u Guur{Gudoomiyaha Qurba Joogta Gabooyaha Somaliland Mude Rashiid Abdullahi Gas}

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2632

Posted by admin on Jul 29 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com