Muuse Dhariyo, Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna!{Aqoonyahan: Khadar Xussein Gabiley}
Bariisle:Saturday 31 July 2010(HARGEISA)Marka hore waxaan salaamayaa shacbi weynaha muuse dhariyo meelkasta oo ay joogaan waxaanan leeyahay Asallaamu caleykum waraxmatullaahi wa barakaatu,
Sallaan kadib anigoo kamid ah dhalinyarada aqoonyahanka beesha muuse dhariyo waxaan maanta jecleystey inaan si dhab ah qalinka uugu duugo wax badan oo ka dhex guuxaya dareenka guud ahaan beesha muuse gaar ahaan nafteyda.
warbixinteydan waxaan uugu tala galey iney ka bogtaan dhalinyarada caafimaadka qabta ee xaalada umadooda ka damqaneysa kana diir naxeysa. waxaan xogogaal u ahey xaalada maanta ay ku sugan tahay beesha Muuse dhariyo ee ku dhaqan Somaliland gudaheeda.
haddaba waxaan jecleystey warbixintan xog waranka ah inaan u soo gudbiyo si aan mad madow ku jirin, geesinimo leh iyo waliba si aan siyaasadeysneyn anigoon waliba aan cid gooni ah cadownimo gaar ah u haynin sababtuna ay tahay dadka aan ka hadlaaya waa dadkeygii oon wada jeclaa dhamaantood horumarkooda dib u dhacooduna i damqaayey.
sida aynu wada ognahay Somaliland waxaa ka dhacay doorashooyin isbadal keenay runtiina ahaa mid loo wada baahnaa isbadalkaana waxaa aad uugu baahnaa beeshaa muuse dhariyo iyo waliba guud ahaan beelaha kale ee gabooye oo dhan. haddaba su,aashu waxa ay tahay isbadlkaa dhacay maxaa laga dhaxley?
waxaan filayaa in jawaabtu tahay isbadalkaa dhacey xaaladii wuxuu ka dhigey iney u dhacdo si lawada filaayey. sababtuna waa laba arimood,
1: Hogaan xumo haysta beesha muuse awgeed
2: Baraarug la,aan haysata dhalinyarada beesha Muuse dhariyo
haddaba hadii ay umadi jabto masuuliyada waxaa dusha u rita madaxda umadaas leedahay hadey noqon lahaayeen hogaamiye dhaqameed iyo haddii ay noqon lahaayeen Siyaasiyiin.
haddaba xaaladaas jirtey sideebey ula tacaaleen hogaanka umada beelaha muuse dhariyo?
Aan ku horeeyo kuwooda Siyaasiyiinta ah:
Markii horeba aragtidoodii siyaasadeed waxay iskugu soo urursaneyd xisbi kaliya oo isla markaana waxaabad moodeysay inaaney ka dhaadhacsaneyn wadcigii dalka ka jirey oo isagu odoroosayey inuu is badal dhici doono taasna waxa ay keentay in saaxadii siyaasadeed laga maqnaado maanta.
umaduna runtii aadbey uuga niyad jabsaneyd waayo waxqabad la,aantooda daraadeed oo waxay nafsadooda u qabsadaan mooyaane wax ay umada u qabtaan haba yaraatee aaney san jirin intooda badan.
Aan ku xigsiiyo Hogaanka dhaqanka:
Umad waliba waxay ku meel martaa xigmada iyo hogaan wanaaga dhaqankooda kuna samata baxdaa nasiib daro dadkii umadu ku samato bixi laheyd iney kusamato baxdo iska daaye iyagiibaa maanta dibu dhacan umada u sabab noqdey.
Maanta waxaad moodaa doorkii yaraa ee qadarineed iney lumiyeen oo albaab laga furayaana uuna jirin.
mushkilada kaliya ee maanyta horumarkeena bulsheed hortaagan waa iyaga waliba waxaa taas ka sii daran dawo ma leh rajana lagama qabo iney is badalaan.
sababtuna waxa ay tahay dadku inuu madaxa sare u qaado diyaar uma aha oo dadkii xuurto ayey ku haystaan dhalinyaro haddii loo baahdo waa iyaga, aqoonyahan haddii loo baahdo waa iyaga, culimo haddii loo baahdo waa iyaga, sidaa daraadeed sumcadii iyo karaamadii ay beeshu laheyd iyo kor u kaceediiba iyagaa salka kaga fadhiistey.
Ugu danbeyn waxaan ku talinayaan oo aan leeyahay wakhti kale ineynu luminaa ma haboona xalkuna waxaa uu ku jiraa dhalinyaradu iyo aqoonyahankeenuba iney baraarugaan caqabadaha ina hortaaganna si wada jir ah in aynu uuga baxno oo gacmaha is wada qabsano xidhiidh dibada iyo gudahana loo sameeyo dhalinyaro firfircoon oo ka damqaneysa aayo xumada ku soo fool leh beesha muuse dhariyo.
Qurba joogtana waxaan leeyahay aad ayaan idiinka niyad jabsanahay dadkii aan is laheyn iyagaa dalal xadaarada leh tagey ama jooga isla markaana umadooda wax u qabanaaya ayaa nin walbaaba aad moodaa iney tiisa gaar ah aanu ka badineyn taasna waa ayaan darro fool xun walibana wax weyna kama fileyno,
Alla Mahad leh
Aqoonyahan: Khadar Xussein Gabiley
Bachelor Degree Ecomic
Hargeisa Somaliland
Email: Khadarhalgan@hotmail.com
Related posts:
- Kuul Midgaan iyo Muuse Caro maaha walaalo
- Balanqaadyadii kulmiye galay oo dhicisoobay!!{Kamaal khadar KHaliif (CaliGeedi)
- Hadii aanay ka muuqan beesha Muuse Dheriyo dowlada Somaliland waa dowlad qabyo ah oon ka wada turjumayn danaha reer Somaliland{Dr Mustafa Ismael Dhinbiil Gaboye rights activist}
- MAR I DAGE ALLA HA DAGO LABAGOOR I DAGENA ANIGA ISU{Suldan Mohamed Suldan Abdi Ismail Suldanka Beesha Muuse dheriyo ee gabooye}
- Yaan Codadkeenu Noqon hal bacaad lagu lisay{Gudoomiyaha Qurba Joogta Muse Dhariye Mudane:Rashid Abdullaah Gaas
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2641









