Dowlada Sacuudiga oo qorsheynayso in 20 Milyan ay siiso burcad badeed Somalida.

Bariisle:Monday 02 August 2010(Jeddah)Shirkadda International Bunkering oo ah shirkadda leh markabka Al Nisr Al Sacuudi ayaa sheegtay in ay isku reeceen in ay bixiyaan lacago dhan 20 milyan oo madax furasho ahaan ay u siinayaan burcad badeeda Somalida ee gacanta ugu jira markabkas.

Kamal Arri oo ah maamulaha shirkadda International Bunkering oo ah shirkadda leh markabka Al Nisr AL Sacuudi ayaa sheegay inay shirkadooda bixinayso lacagahas isla markaana wakaaladda lacagta dalka Sacuudiga ee SAMA ay ka bixinayso qeyb kamid ah dhaqaalahaas.

Sidoo kale Kamal Arri wuxuu sheegay in shirkadooda ay ka war sugayaan wasaaradda arrimaha gudaha dalka Sacuudi Carabiya in ay ka gacan siiso qeyb kamid ah lacagaha madax furashada ay u siinayaan burcad badeeeda Somalida.

Markabka Al Nisr AL Sacuudi ayaa waxaa uu yahay markab booyadle ah kaas oo burcad badeeda Somalida ay qafaasheen shan bilood ka hor kana afduubtay marin biyoodka cadmeed.

Kabtanka markabkan Al Nisr AL Sacuudi ayaa u dhashay wadanka Greece iyadoo 13 shaqaalo oo kale ay saarnaayen waxayna u dhasheen dalka Sri Lanka.

Markabkan ayaa ah Booyadle nooca shidaalka qaada laakin markii ay afduubanayeen burcad badeeda Somalida ayaa wuxuu ahaa mid aanan wax xamuul ah wadin.

Related posts:

  1. Badmaaxiyaal ku dhintay weerar Burcad badeeda ay ku qabsadeen Markab Taiwan laga leeyahay iyo burcad badeed maxkamadeyntoodu ay ka bilaabatay Yemen.
  2. Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo kooxo burcad badeed Soomaali ah ku dhexmartay meel u dhow degmada Baargaal ee gobolka Bari.
  3. Diyaarad Helicopter ah oo xalay burcad badeed ku weeraray gobolka Sh/dhexe.
  4. Holand oo sheegtay in kooxo Burcad badeed Soomaali ah oo Ciidamada Badda ee dalkaasi ay qabteen loo qaadi doono dalka Holand.
  5. Ciidamada NATO oo Burcad badeed iyo argagixiso ka baaraya Magaalada Laasqori.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2646

Posted by on Aug 2 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com