War-saxaafadeed: Wasiirka Cusub ee Khaarajiga Oo Maanta Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Wafti Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Baanka Adduunka.

Bariisle:Monday 02 August 2010(HARGEISA)Warsaxaafadeed laga soo saaray kulan maanta ka dhacay madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxiixanyahay Afhayeenka Madaxweynaha Mr C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxuu u qornaa sida tan:

Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay weheliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusubi ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea,

Wasiirka Arimaha Debeda ayaa waxa uu weftiga uga waramay Siyaasada Xukuumada Cusub ee Dhinacyada horu-marinta iyo Dhaqaalaha, waxaanu u sheegay in ay Xukuumada cusubi Soo dhawaynayso waxlaqabsiga Beesha Caalamka Diyaarna ay u tahay Sii-Xoojinta Xidhiidhkii ay Somaliland La lahayd Haya’adaha Caalamiga ah.

Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay Qodobada ay Xukuumadu Muhiimada siinayso kuwaas oo uu Sheegay inay ka midyihin Shaqo u Abuurista Dhalimyarada Tirada Badan ee wakhtigan Camalka la’, Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, Xoojinta Amaanka iyo Tababarada Ciidamada Nabadgelyada iyo kor u qaadida tayada waxbarashada iyo Caafimaadka

Waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumadu soo Dhawaynayso ujeedada socdaalkooda Diyaarna ay u tahay inuu xidhidhku halkisii ka sii socdo iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego kaalmadii Bini-aadminimo ee ay Beesha Caalamku Hore u siin jirtay Somaliland.

Ugu danbayna waxa uu wasiirku soo jeediyey in la qaban qaabiyo shir balaadhan oo ay Beesha Caalamku Somaliland Ugu yaboohdo Kaalmo Horu-marineed taladaas oouu waftiguna soo dhaweeyey

Saraakiisha waftiga hogaaminaysay oo kala ahaa Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aadminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea, ayaa iyaguna marka hore Somaliland ku hambalyeeyey tubta hanaanka Dumuquraadiyadeed ee ka hirgalay Dalka iyo sidii ay u dhacday Dooorashadu.

Madaxda Waftigu waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigan ay Beesha Caalamku si wayn isha ugu hayso Somaliland una hanwayn tahay.

Geesta ka dibna weftigu Waxa ay ka warameen ujeedada Socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay isu Xog-waran ay Xukuumada Cusub kala yeeshaan Barmaamijyadii ay Hay’adahan Caalamiga ah ee uu Waftigu ka kooban yahay kawadeen dalka.

Gebegabadii kulankani wax uu ku dhamaaday is Afgarad buuxa.

Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Weftiga hogaaminaysa Booqasho gaaban oo salaan ah oo ay madaxwaynaha ugu hambalyeeyeen Doorashadii loo doortay xilka Madaxwaynenimo ee dalka iyo Dumuquraadiyada ka hirgashay Somaliland.

Related posts:

  1. Madaxweyne Siilaanyo oo Madaxtooyada ku Qaabilay Wafti uu hogaaminayo Safiirka Ingiriiska ee Itoobiya
  2. Qaramada Midoobay oo sheegtay in dowladda KMG Soomaaliya ay qarka u saarantahay in ay burburto.
  3. Urur Goboleedka IGAD oo ku baaqay in ciidamada AMISOM lagu badalo kuwo ka socda Qarammada Midoobay
  4. Qaramada Midoobay oo taageertay Go,aankii Madaxweynaha Somalia sheikh Shariif Ahmed
  5. Qaramada Midoobay oo Xafiisyadeeda u soo rareysa gudaha Soomaaliya

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2655

Posted by on Aug 2 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com