Dowlada Botswana oo sheegtay in aysan ciidamo u soo direyn Soomaaliya.
Baariisle:Tuesday 03 August 2010(Gaborone) Dowladda Wadanka Botswana ayaa sheegtay in aysan ciidamo nabad ilaalin ah u soo diri doonin dalka Soomaaliya iyadoo taasi badalkeeda ay sheegtay in ciidamadeeda ay ka hortagi doonaan qooleysatada Duurjoogta wadanka Botswana si ay u ilaaliyaan xayawaanka duurjoogta ah.
Wasiirka arimaha dibada ee wadanka Botswana Phandu Skelemani oo ka soo laabtay kulankii ururka Midowga Afrika ugu soo gaba gaboobay Magaalada Kampala ee Xarunta wadanka Uganda todobaadkii tagay kaasi dowlada Botswana loogu jeediyay in ciidamo nabad ilaalin ah ay u daad gureyso Soomaaliya, ayaa markii uu dalkiisa tagay waxaa uu sheegay in dowladda Botswana wax ciidamo ah aysan u diri doonin Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee Botswana in ciidamada loo dari lahaa Soomaaliya looga baahanyahay wadanka Botswana si u ilaaliyaan xawaanka duurjoogta ah ee dalka Botswana.
“Waa in aan ka hortagnaa tuugada ugaasrsata duurjoogteena iyo xayawaanaadka Botswana, maxaayeelay taas ayaa inooga baahna in aan hoodka iyo duurka ciidamo u dirno halkii aan ciidamo nabad ilaalin ah ugu diri laheyn dalka Soomaaliya” sidaasi ayuu sheegay Wasiirka arimaha dibada Botswana oo u waramayay Jariirada Sunday Stander.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray “ waa nasiib daro in aan ciidamo u diri Karin dalka Soomaaliya sababtoo ah tuugo ayaa nafta u keentay xayawaankeena, waxaana waajiba inaga saaran in aan ka hortagno burcadaasi ka qoyleysata ugaarta wadanka Botswana”.
Ugu dambeyntii wasiirka arimaha dibada ee Botswana waxaa uu sheegay in wadankiisu uu leeyahay ciidamo tiro yar oo aan badneyn islamarkaana aan awoodin in ay ciidamo u diraan meel ka baxsan wadankooda balse Botswana ay taageersantahay mowqifka ururka Midowga afrika.
Related posts:
- Dowladda Erirea oo sheegtay in dowladda KMG ee Soomaaliya aysan ka duwaneyn dowladihii aysan aqoonsan ee soo maray dalka Soomaaliya.
- Dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in Ciidamo loo soo diro Wadanka Soomaaliya.
- Dowladda Jabuuti oo sheegtay in bisha soo socota ay Soomaaliya u soo direyso in ka badan 450 askari oo qeyb ka noqda ciidamada Midowga Africa.
- Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
- Dowlada Spain oo difaacday qorshaha ay saraakiil tababarayaal ah ugu direyso Wadanka Uganda si ay uga qeyb qataan tababarka ciidamda dowlada KMG.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2661












