Balanqaadyadii kulmiye galay oo dhicisoobay!!{Kamaal khadar KHaliif (CaliGeedi)
Bariisle:Thursday, August, 12,2010(Holland)Anigoo ku hadlaya magaca qurba joogta beesha gabooye ee deeganka ku ah wadamada Holland & Belguim wax aan halkan tahniyada uga dirayaa guud ahaan shacabka somaliland oo aan ku hanbalyeynayo doorashadii xalaasha ahayd ee la galay iyo gudigii komishanka qaranka ee xil weyn oo la saaray ka soo baxay muujiyeyna wax maanta lagu faanayo oo ah dimiqaraadiyad ka hawl gashay somaliland.
Hadaba, hadii aan u soo daadego dulucada ujeedada maqaalkaygan wax aan ku cambaaraynayaa xukumada cusub sida ay ula dhaqantay beesha gabooye oo markii horeba tirsanaysay tacadiyo ka dhan ah xuquuqa bini aadamka taas oo ay u dheerayn inaanay ku jirin muraayada dalka laga hado oo kala ah, Golaha wasiirada, Golaha guurtida iyo Barlamaanka toona taas oo caalmkuna isha ku hayey basle aanay dhaaday dadka ku abtirsada somaliland qaarkood oo fuliya arimahaas aan soo sheegay. Si kastaba ha ahaatee wax jirtay in ololahii doorasha ee ay wadeen sadexda xusbi qaran ee UCID,UDUB,iyo KULMIYE beesha gabooye ay ku dhacaysay in la kala jiijiito si codkooda ay u hantaa xisbiyadaas, sida la wada og yahay boqolkiiba % 75 beesha gabooye wax ay u codaysay xisbiga KULMIYE oo arintaas ka markhaati kacaya hadana balankaadaydii sababay in codka beesha isugu biyo shubto Kulmiye looguma abaal gudin wixii ay filayeen oo ahaa Wasiiro buuxa. Markaas miyaanay ahay in xubigu beesha ku wacad furay waa cajaaķb (BALANQAADYADII KULMIYE GALAY OO DHICISOOBAY).
Dhanka kale beelaha ku abtirsada somaliland laba qabiil mooyaane inta kale wax ay ku sugan yahiin gobolo khaasa oo iyaga ka soo jeedaan sida AWDAL,SOOL, & SANAAG labada qabiil ee iyaga meel ka xaaraan ahi aanay jirin ee lixda gobol ee somaliland deegaanka ka ah waa ISAAQ & GABOOYE oo wada dega SOOL,SANAAG,TOGDHEER,MAROODIJEEX,AWDAL IYO SAAXIL hadii arinka aan sheegayaa been yahayna akhristayaasha wax aan u soo dirayaa xaal. Hadii kale wax aan leeyahay xaalku waxa weeye waa gardaro aan meelna loogu soo gaban sida loola macaamilo beesha gabooye oo wakhtigan maraysa in Haweenka laga sara mariyo waxa aan leeyahay sida cinwaankayga ku cad waaa gardaro xukumada cusubi kula kacadya beesha gabooye, waxaanan leenahay arrinkaas dib ha loo eego, hadii kale wax ka soo socda cawaaqib xumo wax u dhimaysa citiraafka somaliland.
Gud,Qurba joogta beesha gabooye ee
Holland/Belguim
Kamaal khadar KHaliif (CaliGeedi)
Email: Kamal_aligedi@hotmail.com
Related posts:
- Muuse Dhariyo, Cidina Uma Maqna Ceelna Uma Qodna!{Aqoonyahan: Khadar Xussein Gabiley}
- Maamulka Shabakada(Gabooyenews.com)Oo Si Kulul Ugu Jawaabtey Una Cambaareysey”Kamaal Lugey”By-Mrgaboye.
- Garabkii isbedel-doonka Udub oo shalay si rasmiya ugu biiray xisbiga mucaaridka ah ee Kulmiye
- Halyeyga Sanadka Mudan”SULDAAN DAAKIR XASAN KHALIIF”Geesiga Umadiisa Guusha U Horseeda Geeridaa Dishaa Geedka Haboon.
- Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye “Abdirahman Abdulqadir “Oo ka hadlay Aargoosiga Siilaanyo Uu Beeshiisa kula Dhaqmay ( Daawo Video)
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2753












