Hambalyo Iyo Tageeriid Xaquuqda Beelaha Gabooye Iyo Bogaadin (By-Abdirahman H Mohamoud)
Bariisle:Sunday,August,15,2010(CANADA)Anigoo ah akhristayaasha had iyo jeer soo booqda shabakada gabooyenews.com kuna taxan wararka iyo fikradaha shabakadan Somaliland ee qiimaha leh, waxaan salaamayaa dhamaan dadka reer somaliland gaar ahaan akhriyaasha shabakadan. Waxaanan leeyey Ramadan Mubaarak.
Waxan dhagaysatay xalay waraysi uu barkhad siiyey hadhwanaagnews.com oo iyaduna ah shabakad wayn oo Somaliland ku abtirsata. Hadaba Barkhad waa nin aftahan ah oo runtii aan aad ula dhacay sida uu waraysiga u bixiyey oo aanu marnaba dareenkiisu is bedalin. Wariyaha waraysiga u qaaday hadhwanaagnews.com ayaa wuxuu ahaa nin runtii su aalaha ku noqnoqonaayey taasoo keentey in su’aalihiisuna dad badan ayay aad uga cadhaysiiyeen oo aan anigu ugu horeeyo.
Barkhad haddaba marnaba kumuu mashquulin su’aalaha aan munaasibka ahayn iyo
waliba sida uu wariyaha waraysiga qaadayey ugu soo noqnoqday arrimaha qaar oo waraysigu muddo dheer uu hore u mariwaayey, tani waxay sii muujisay uun
farshaxnimada tafatiraha gabooyonews.com waxaanan leeyey hambalyo walaal.
Marka labaad hadaan usoo noqdo cadaalada uu ka dooday Barkhad, Waxaan leeyey waan idinku raacsanay inaad doodaan idinkoo leh anagu reer Somaliland hadaanu nahay xaqayagii baan rabnaa. Waa gobonimo. Waa kalsooni. Waana wadan jacayl. Waxaanay baaba’ ka dhigtay arrintani dadyaw Somaliland ku dhaqan oo marka ay Darawal wasiir waayaan ba calan gaar ah samaysanaya oo qaranimada Somaliland kasoo horjeesanaya. Anigu waxaan leeyey beelaha Gabooye ha lasiiyo sadkoodii. Way sabreen. way dulqaateen, ee intaanu dulqaad ku ka dhamaanin dadkan qiimaha iyo farsamadaba ku
caanbaxay, ha la siiyo xaqooda.
Anigu waan kasoo horjeedaa inay beeshaydu kaligeed qaadato 14 wasiir iyo 3 wasiir ku xigeen. taasi waa cadaalad darro aad u wayn. waanan kasoo horjeedaa. Ee walaalayaal Somaliland dadka ku dhaqanoow dhamaanteen aynu gacmaha isqabsano oo ka doodno wixii xaqdarro ah una doodno wixii xaq ah, balse yaynaan marnaba kasoo horjeesan qarimadaiyo jiritaanka jamhuuriyadeena.
Waxaan kale oon jeclaan lahaa inaan halkan idiinku soo gudbiyo qayb ka mid ah hees dheer oo aan ka qorey cadaalad darradii wax lagu qaybiyey markii la dhisay wasiirada dawladda cusub. waatan ee ila eega akhristayaal:
Dalkaygoow dawladnimo
Dadkaygoow dawladnimo
hadii aad ka daacadtihiin
dadaal badan bay rabtaa
qaran deeq laguma helo
Shacbigood qaar duudsidoo
xil iyo darajo loo sinaa
siday danbi qaran galeen
loo diido kuraasta qaar
aduunbay is duminayee
miyaa cidba laguugu dawgalay
hadii duqqa reer u wayn
deelqaaf iyo eexba falo
kuwii dabarka u ahaa
hadday dabciyaan xadhkaha
dulmiga saw lamay falin
danbiga sow lamay galin.
………. heestu way siisocotaa.
Ugu danbayntii walaalahayga gabooye waxaan leeyey sabra oo dulqaata, hadii dawladan
aynu ka wayno cadaalad dhamaanteen inta cadaalada rabtaa waa inaynu u sabirno ilaa
inta uu imanayo maalintii mugdigani dhamaanayay. waanan hubaa maalintaasin inaananay sii fogayn.Aynu gacmaha is qabsano.
Wasaamu caleekum waraxmatulaahi wa barakaatu.
Abdirahman H Mohamoud
Alberta, Canada.
Related posts:
- Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Yurub & W/America Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Somaliland iyo la taliyadiisa cusub ee ariamaha beelaha gabooye -Garyaqaan-Barkhad Jamac Hirsi.
- Hogaanka sare ee beelaha Gabooye waxaan Hambalyo u diraynaa Duqa cusub ee Magalada Jig-jiga Eng.Guuleed Dheeg Mohamed
- Beelaha La Heyb-sooco Ee Gabooye ,Maxaa Xilalka Wasiirada Somaliland Looga Soocay?By Cabdirashiid Shaam
- Qurba Joogta Beelaha Gabooye Oo Cambaareynaya Dhibtii Loo Geystey Haweenka Gabooye Magaalada Caynaba .
- Akademiga Horumarka iyo Waxbarshada Beelaha Gabooye oo Amaan korka ka saarey Qurba joogta Beelaha Gabooye!
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2757













