Beelaha La Heyb-sooco Ee Gabooye ,Maxaa Xilalka Wasiirada Somaliland Looga Soocay?By Cabdirashiid Shaam
Bariisle:Monday,August,16,2010(Germany)Halgankii dheeraa ee uu soo maray madaxweyne siilaanyo ma waxa uu ku soo gabagabeeyay,in uu xaqiro isla markaana uu god ku aaso xuquuqdii ay lahayd beelaha laheyb-sooco !!!
Sida aanu la wada socono madaxweyne axmed maxamed siilaanyo waxa uu soo maray halagan adag oo aad u dheer,wuxuuna tariikhda somaliland ka galay baal dahaba oo aan weligiis duugoobeynin.
In uu gaaro jagada madaxweynenimada waxa uu u soo maray halgan dheer waana ninkii aasaasay jabhadii snm,ee dagaalka adag la gashay xukuumadii jirtay ee siyaad barre,dad fara badan oo aan anigu ka midka ahaa ayaa qabay in kolka uu siilaanyo,ku guuleysto jagada madxweynimada somaliland uu noqon doono ninka,ugu horeya ee wax u qaban doono dadka la heyb-sooco xaqa ka maqana siin doono,maadaama dowladihii isaga ka horeyay aysan wax xuquuq ah ku yeelan dadka la heyb-sooco, siilaanayo wax uu noqday ninkii ugu horeeyay ee si cad u cadeystay in beelaha la heyb-sooco, aan wax jago ah laga siinin xukumadii uu dhawaanta soo dhisay sida ku cad shaxda wasiiradii, uu dhawaanta soo dhisay.
Beesha habar-awal 5 wasiir
beesha habar-yoonis 3 wasiir
beesha habar-jecel 3 wasiir
beesha gadabuursi 2 wasiir
beesha arab 2 wasiir
beesha ciidagale 1 wasiir
beesha dhulbahante 2 wasiir
beesha warsangali 1 wasiir
beesha ciise 1 wasiir
beelaha laheyb-sooco 0
Waxayna u muuqataa xukuumada siilaanyo soo dhistay in aysan,horay u sii socon doonin maadaama lagu soo dhisay mid cadaalada ka fog.
Sida aan la wada socono dadka laheyb-sooco waxa ay ka mid yihiin,qoomiyadaha ugu tirada badan ee dega Somaliland, hase yeeshee aan wax xuquuq ah ku lahayn ummada ay dhex degan yihiin,sidaa darteed waxa aan u soo jeedinayaa beelaha lahayb-sooco in aysan taageerin dowlada madaxweyne siilaanyo,waana in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo dhistaan dowlad u gaara dadka lahayb-sooco, kana madaxbanaan dowladaha laga soo dhiso somaliland.
Cabdirashiid Shaam
Bonn Dalka Jarmalka
shaamabdi977@msn.com
Related posts:
- Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
- Cakuye Beelaha Gabooye Reer Somaliland Miyaaney U Qalmiin Wasiir Buuxa. Aaweyse Sinaanti Iyo Cadaaladii M-Siilaanyo Wade
- Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland oo Ku Dhawaaqay Golaha Wasiirada ee Xukuumadiisa.
- Suldaan Daakir oo Baaq u diray Madaxweynaha iyo qurbajooga Beelaha Gabooye Codsadayna In Beelaha Gaboye Deegaan loo sameeyo.
- Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Yurub & W/America Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Somaliland iyo la taliyadiisa cusub ee ariamaha beelaha gabooye -Garyaqaan-Barkhad Jamac Hirsi.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2789












