Hadii aanay ka muuqan beesha Muuse Dheriyo dowlada Somaliland waa dowlad qabyo ah oon ka wada turjumayn danaha reer Somaliland{Dr Mustafa Ismael Dhinbiil Gaboye rights activist}

Bariisle:Monday,August 16,2010(Doha)Waxaan marka hore salaamaya hawlwadeenada bahda  webka Bariisle oo noqday qaar kulmiya oo isku keena fikradaha dadka reer Somaliland isla markaana laga akhristo dareenka dadka reer Somaliland bogan quruxda badan weliba si cadaalad ah waxaan leeyahay Illaahay dambigiina ha dhaafo

 
Waxaan u soo degayaa mawduucayga ah beesha Muuse dheriyo oo ah beel balaadhan oo weliba taariikh weyn ku leh Somaliland ilaa iyo wakhtigii Gumaysigii ama isticmaarkii iyo halgankk xornimada iyo hanashadii qarankii Somaliland ee ka xeroobay gumaysigii ingiriiska iyo weliba wakhtigan oo mar labaad Somaliland dib u xorawday dibna ula soo noqotay dowladnimadeedii luntay xornimada ka dib iyo kaalinta ay kaga jirto muuqaalka guud ee bulshada Somaliland 
 
Waxaan jeclaa inaan halkan fikraday ka dhiibto oo ah in balan qaadyadii xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Siilaanyo ee ahayd cadaalada iyo sinaanta ay noqotay mid uun ku koobnayd maalmihii doorashada markii uu isku hubsaday codkayagii Mr Siilaanyo uu ka baxay balamihii uu Illaahay hortiisa ka sheegi jiray oo ahaa cadaalad iyo sinaan waana in la ogaada in  balantu ay tahay wax ku weyn  xaga Illaahay  in laga baxaana ay leedahay xisaabteeda
 
Hadaba dawlad Somaliland ay leedahay oo aanay ka muuqan beesha Muuse dheriyo oo ah beela balaadhan oo baaxad weyn degana lixda gobol ee Somaliland waxa weeye dawlad qabyo ah oon ahayn dhamays waana wax laga xumaado President siilaanyo oo ah 80 jir in uu dulmo ama dhinac maro reer intaas leeg isaga oo gowracay hal ama neef dadku u siman yihiin qaybinteedana xilkeeda uu isagu masuul ka ahaa aakhirana la weydiin doono cadaalada uu madaxweynuhu sameeyey ee aan cidna ku qancin
 
Hadaba waxaan aad uga xumahay beeshan Muuse dheriyo oo hadii la eego faro ahaan ka tiro badan beelo ka mid ah beelaha Isaaq inaanu madaxweynuhu xusin oon laga arag golaha dowlada waxaanan ogahay in dowlad kasta oonay ku jirin beeshan Muuse dheriyo aanay tayiid badan ka heli doonin wadamada dibada ama aanay ku guiulaysan doonin siyaasadeeda dibada inta ay cabanayaan beel tan oo kale ah sida beesha Muuse dheriyo oon ahayn beel qarsoomi karta ama codkoodu qarsoomi karo
 
Waxaanse leeyahay Mr Siilaanyo oo iminka ah madaxweynihii qaranka Somaliland dib mar kale ha ugu noqdo dhisme dowlad ay ka wada muuqdaan dhamaan reer Somaliland oo leh tayiid buuxda oo caalamku u soo istaago hadii kale waxay noqon doontaa dowlad qabyo ah oon gudo iyo dibad midna guul weyn ka keenin waxyaabihii laga filayeyna ku guuldaraysata isla markaana  doorashada dambe cidna aanay dhagaysan oo madaxweyne Siilaanyo aanu ka tegin taariikh siyaasadeed oo qurux badan balse uu noqdo mid lagu xusuusto uun madaxweyne soo maray Somaliland
 
Waxaan u rajaynayaa dalka iyo dadka Somaliland dowlad iyo nabad gelyo waarta oo jiilba jiil ka dhaxlo
Waxa kale oon u rajaynayaa Somaliland Madaxweyne codka dadiisa maqla oo tixgelya cabashooyinka beelaha oon noqon mid lagu hungoobo
 
 
 Dr Mustafa Ismael Dhinbiil
      Gaboye rights activist

Related posts:

  1. MAR I DAGE ALLA HA DAGO LABAGOOR I DAGENA ANIGA ISU{Suldan Mohamed Suldan Abdi Ismail Suldanka Beesha Muuse dheriyo ee gabooye}
  2. Xaalka Beesha Gabooye Waa Dad Cun Iyo Daadufyaa Hadhay Qaliinkii-{Dr. Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}
  3. Oday dhaqameedka Gabooye oo aan ogayn doorkooda iyo guuldarida beesha{Dr Mustafa Ismaacil Dhinbiil}
  4. Hanbalyo! Mujaahid Maxamed Nuur Mooga oo ku jira halgan xallaal ah!{Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil}
  5. Beelaha la yidhaahdo Gabooyaha iyo taariikh deegaankooda raadraac Taariikheed”Dr Mustafa Ismaaciil Dhinbiil”

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2807

Posted by on Aug 16 2010 Filed under MAQAALO. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com