Warsaxaafadeed Ka Soo Baxey Hogaanka Sare Beesha Sh-Muse Dhariye Oo Lagu Taageerayo Wareysigii(Barkhad-MrGaboye)

Bariisle:Monday,August 16,2010(Denmark)Warsaxaafadeed Ka Soo Baxey Hogaanka Sare Beesha Sheekh-Muse Dhariye ee beelaha gabooye ,Oo Lagu Taageerayo Wareysigii(Barkhad-MrGaboye)WAXAYNA AHAYD SIDA DUMARKA XUQUUQDOODA LOO SIYAY IN ANAGUNA AANU XUQUUQDAYADA U HELNO..

Warsaxaafadeed ka soo baxey hogaanka sare ee beesha reer sheekh muse dhariye ee beelaha gabooye oo uu ku saxeexan yahey -Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaciil ,,Suldaanka Guud Ee Beesha Sheekh Muse Dhariye Ee Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland..iyo madaxdiisa kale ee beesha oo lagu taageerayo wareysigii ay todobaadkan radio hadhwanaag la yeelatey wakiilka beesha ee canada mudane barkhad xaaji cabdi “mr gaboye “oo uu kaga hadlayey xaquuqda ka maqaan beelaha laga tirada badan yahey ee loogu yeero beelaha gabooye ee reer somaliland, iyo qodoba kale oo ku saabsan guud ahaan xaquuqda beesha ka maqaan iyo aragtidooda..

Warsaxaafadeedkan oo dhameystiraan waxaa uu u dhignaa siddan ..

Scww.Rabadan kariim dhamaan shacbiga reer somaliland iyo calamul islamba waxan ilahay uga baryayna inuu soonkan soonkisa ilahay uu ku gaadhsiyo nabad horumar iyo barwaqo,intas kadib hadii aan usoo laabto ujeedada mawducan uu cinwankiisu kor kuxusanyahay,marka hore waxan hambalyo u dirayna dhamanba shacbiwaynihii kaqaybqatay dorashadi 26jun ka dhacday dalka jsl taasi oo ku dhacday jawi nabadgalyo iyo cadaladiba aay ku dhehnayd inta badana aanay waliged ka dhicin afrika doorasho noocas ahi waxa suurto galiyay marka hore ilaha awooda leh ee aay amarkiisa ku dhacday iyo shacbiwaynaha reer s.land oo u omanaa isbadal dalka ka dhaca oo xor iyo xalala.

Runtii shacbigayaga beesha muuse dheriyo ee gabooye waxay kamid ahayen dadki u codeyay in uu isbadalkani yimaado codkodana siiyay xisbiga kulmiye sababta oo ah waxay raben inuu dalku helo dawlad cadaaliya oo cidwalba siisa xuquuqdeeda asaasiga ah gaar ahaan dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay oo loo arkayay amaba ahaa kuwa aan haysan waxyabo badan oo aay xaq u leeyihiin markastana aay musharaxintii tartamaysay aay ku halqabsanayen iyago leh hadii aanu dorashada guleysano waxanu ku dadalidona in aanu dumarka iyo dadka laga tirada badanyahay aanu xuquqdooda siino,dorashadi dhamatay waxana ku guleystay xisbiga kulmiye iswaydiintu waxaytahay hadaba kulmiye maka dhabeyay balanqaadki nocas ahaa mise waxay ahayd uun mid aay dorashada ku dhaafayeen.

Jawabta oo koobani waxay noqonaysa marka dhinac lagafiriyo haa dhanka kale hadiilaga eegana maya aan kalaqaadno dhinaca haweenka waa sax oo haweenki way helen xuquqdoodi laakin dhanka kale beelihi lagatiradabadna iyagu may helin xuquqdoodii waana waajib saaran madaxwaynaha sidii uu suurtogal uga dhigilahaa in anaguna aanu helno xuquqdayada distoriga ah tasii oo waxwayn kataraysa horumarka iyo dimuqradiyada dalka kajirta iyada oo aanu dareemikarno durufaha ku xeeran iyo masuuliyada culus ee uu madaxwaynuhu qaaday oo aay kamid ahayd in ladhiso dawlad tiro yar oo uu dhaqalaha dalku xamilikaro,

waxaanu halkan ku cadaynayna hadii aanu nahay madaxdhaqameedka iyo hoganka beesha muuse dheriyo gabooye ee jsl in aanu tagersanahay waraysi uu dhawan siyay radio hadhwanaag wakiilka beeshan ee canada mr barkhad xaaji cabdi “mr gaboye”oo nuxurkiisu uu ahaa in anan helin xuquuqdayadi waraysigas oo uu wariyuhu mr barkhad uu waydiyay su,aal ahayd makula qabaan ama makalatashatay arintan aad ka hadlayso hogaanka dhaqanka ee beesha aad u doodayso waxan cadaynayna in aanu sidaasi silamida aanu dhamantayo qabno kuna taageersanahey wareysigaas uubixiyey ee uu kaga hadlayey xaquuqda beesha ka maqaan waana waxjira.WAXAYNA AHAYD SIDA DUMARKA XUQUQDOODA LOO SIYAY IN ANAGUNA AANU XUQUQDAYADA U HELNO‏…

guntii iyo gabagabadii qoraalkayaga waxanu kusoo gunanadayna beesha muuse dheriyo waa beesha ugu baxada wayn beelahan gabooyaha laisku yidhah 6da gobol ee dalkana waay degan waxay mudan yihin in ay xuquqdoda u helan sida beelaha kale markastana waxanu tagersanahay jiritanka iyo horumarka dalka jsomaliland.

wabilahi tawfiiq

-Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi Ismaciil ,,Suldaanka Guud Ee Beesha Sheekh Muse Dhariye Ee Beelaha Gabooye Ee Reer Somaliland..

-Dr-Mustafe Ismaciil Dhinbil Afhayeenka Beesha

-Gu-Rashid Cabdilahi Gaas -Gudomiyaha Qurba Jooga Beesha

-Caaqil -Xasan Haybe Caateye

-Aqoonyahan-Xasan Macalin Cabdi .

email”"mahamed-abdi453@hotmail.com
Denmark…‏

Related posts:

  1. GUDOOMIYIHII QURBA JOOGTA BEESHA REER SHEEKH MUSE DHARIYE (MARXUUN-AXMED MAXAMED DHINBIIL))oo ku geeriyoodey magaalada Doha,qadar
  2. Dareen la,aanta Dadkena iyo dorashada soo Dhawatay {Suldan Mohamed Suldan Abdi Ismail Suldanka Guud Ee Beesha Muse Dhariye}
  3. Baaq ka soo baxay Beesha Muse Dhariye ee Togdheer(Burco){Abtiyow karaarka iska daa kaagii baadtahayee}
  4. Hogaanka sare ee beelaha Gabooye waxaan Hambalyo u diraynaa Duqa cusub ee Magalada Jig-jiga Eng.Guuleed Dheeg Mohamed
  5. Gudoomiyaha Beesha Gabooye Ee Yurub & W/America Oo Hambalyo U Diraya Madaxweynaha Somaliland iyo la taliyadiisa cusub ee ariamaha beelaha gabooye -Garyaqaan-Barkhad Jamac Hirsi.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2794

Posted by on Aug 16 2010 Filed under MAQAALO, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Warsaxaafadeed Ka Soo Baxey Hogaanka Sare Beesha Sh-Muse Dhariye Oo Lagu Taageerayo Wareysigii(Barkhad-MrGaboye)”

  1. halkan waxaan ka salaamayaah dhamaan dadka gabooye,salaan ka dib
    waxaan leeyahay waxaad waxkudontaan magaca gobooye waxaase qabaah
    magac kasta oo aad ku doontaan in aadan waxaba lagugusiiney waxaayo
    siiba soomaalida ninkaan wax dilin oo wax baabin waxba looma yaqaano
    muusow iyo madhibaanow hadaadan wax qasan oo wax dilin oo aan lagu
    dilin waxba helimesid ee halkaas jiifa hadii kale ka kaca jiifka oo ismuujiy
    kolkaad sameesaan banaan bax wen oo aad kudoonaysaan xaqiina intaas
    waa iga talo

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com Designed by Bariisle Media

Facebook

Get the Facebook Likebox Slider Pro for WordPress