MAR I DAGE ALLA HA DAGO LABAGOOR I DAGENA ANIGA ISU{Suldan Mohamed Suldan Abdi Ismail Suldanka Beesha Muuse dheriyo ee gabooye}
Bariisle:Thursday,August,26,2010(Denmak)Scww rabadan karim,bisha barakaysan ee rabadan oo ah bil raxmad badan waxan ilaahay uga baryaya dhaman shucubta muslimka ah meelkaste oo aay jooganba inuu ilahay ku siyo khayrka iyo raxmada bishan barakaysan aamiin.
ducadas kadib hadii aan usoo noqdo mawduca uu ciwaankiisu kor ku xusanyahay oo aan ula jeedo sida aanay beelaha muuse dheriyo ee jsl aay uga qaden dawladii uu dhawan soo dhisay madaxwaynaha jsl oo aanay wax mansab ah aanay ka helin beeshan baladhan ee ku kala firidhsan bariga iyo galbeedka somaliland iyado sababaha taasi kenayna aay noqonayan dhawr sababood oo aay ugu horeyso dabacsanan iyo kartidaro katimid aqoonyahanka iyo waxgaradka beeshan iyo kuwa kale ee gaboyaha sheganaya oo aan la iman barnamij habaysan oo aay ku raadsanayan xuquqdooda taasi badalkeedna isa sundaray iyago qaarkood aay adegsaden wax layidhahdo beesha gabooye oo loo arkay amaba inga dhigay hal beel kaliya sidasidaradeedna lainoogu magacabay hal wasiir ku xigeen, waa khalad weyn oo aay keentay farsamo xumo kow inaga inaga timid waayo inaga oo ah afar belood oo aay beelwaliba xaq aay u lahayd inay xuquqdeda aay gaar u hesho ayaynu inagu isku koobnay hal beel oo aay qaar inaga mid ahi aay farsama xumo darteed aay u qaaten magacan gaboye iskuna magacaben beesha gaboye taasi oo qofkii aan aqoon inoo lahayni uu u arki karayo inaynu nahay halbeel oo leh abtirsin qudha,laakin runtu sidasi maaha gabooyena waxa la iskuyidhaah afar iyo inkabadan oo ku kala nool jsl,somaliya,itoobiya jabuti iyo guud ahanba dhulka aay somalidu degto.
waana beelo aay isukeentay dhibatooyin aay kala kulmeen beelihi kale ee somaliyeed ee aay la deganayen kuwasi oo kusameyay takoor dhinacwalba leh oo aay kamidtahay inan laga guursan iyagana aanay guursan karim beelahan kale,in la liido loona arko beelahan gabooye inay yihin qaar ka hooseeya oo aan lasinayn beelaha kale ee somalida,inlaga ilaliyo inay yeeshan wax aqoona amaba horumarkaleba ah,waxana qolowalba lagu godomiyay meeshi aay degenayd mana jirto runtii sababo cad oo aay dadkane ku mutaysteen jarimada intaas laeg waliba waxan odhan karna dadka sida foosha xun loola dhaqmay waa dad farsamoyaqano ah nolosha bulshada somaliyeedna amaba somalilanba kalin mug leh oo wax ku oola kaqaata iyago qabta shaqoyin qiimo badan oo lawadayaqano hady noqonlahayd birlatumo kabaha sameyntooda,dharyaha,haamaha warmaha,mindiyaha,qurxinta timaha iwm bal u fiirso intasii oo farsamo ah waa aduunka dadka ugusareeya loogu ixtiramka badanyahay caalamka hore u maray dadka qabta shaqoyinka noocan oo kale ihi,dhanka kale hadadka eegto waxabad is odhanaysa arintani waxay samaynkuyelatay horumarkii iyo barwaqadii aay gaadhilahayen kuwan takooraya dadki indhaha u ahaa farsamayaqankooda ahaa ee aay ku faanilahayen waxa aay sameyan waxanad arkaysa in aay aqoondaro iyo xadaradla aan badani aay jirtay oo dadkani aay ku garankariwayen inay ku dhiiradan inay kafaidaystan farsamada iyo kartida walaalahood halki aay ku caayilahayeen taasi oo aanay wanag adunyo iyo mid akhirotona aanay ku gadhayn,waxana kusoo baxaysa maam maahda soomaliyeed ee ah karis xun iyana ku la.
gaboyow miyanay haboonayn inaynu muujino oo aaynu walalahen tusno inaynu nahay beelo farabadan magacan gabooyena uu inoo yahay dalad guud oo aaynu isugunimad lenahayna madax dhaqameed culima u diin iyo aqoonyahano aay beelwaliba gaarkeeda u leedahay oo aayna jirin beel layidhah kaligeed beesha gabooye waxa haboon inaynu istimaalno magacyada odayashii aaynu kasoo tafiranay kadibna aaynu raacino gabooye oo inoo ah magac guud oo inaga wada dhexeya dariqas aya ah kansaxda ah ee aaynu ku gadhikarno guusha waana inaynu beel beel isu soo dhisna beelwalibana cuqasheda iyo saladiintedu aay ka haawlgalaan deganada aay beeshisu ku nooshahay matalan beesha muuse dheriyo waxay ka koobantahay 9 arda ama jifo jifo walibana waxay leedahay caqil aay doorten oo u gara waxanan ka diwangalinay oo aanu ka sharciyaynay wassarada arrimaha gudaha ee jsl sanadkii 1996dii xiligasi oo uu madaxweyne aha aun marxum cigaal ilaa hadana cuqashi iyo suldankiiba waxay kamidyihiin oo aay mushar ka qatan wassarada arrimaha gudaha,waxa loo baahna inay beelahakale aay iyaguna sidas silamida sameeyaan oo aay hoosta kasoo dhisan beelahooda,lakin waxad arkaysa oo muuqata inay wali arintasi aanay dhicin oo aad arkayso nin kaligii intu cumamad qaatay leh waxan ahay suldanka beesha gaboye waa imisa beelod inta uu shakhsigasi magacooda ku been abuuranayo waa muuse dheriyo yibir tumal iyo madhiban surtogalna maha in afarta beelod aay yeelan karan hal suldan waa dad badan beelwalibana waa u gooni suldankooda iyo cuqashoodu sidasi daradeed waa inaynu muujino baaxadena iyado beesha madhiban, beesha muuse dheriyo,beesha tumal ,beesha yibir aaynu u simanahay gaboyena uu yahay magacas guud ee astanta inoo wada ah waa in sidasi loo hawlgala hadikale waxa ina sugaysa in laina yidhahdo beesha gabooye 1 wasiir ku xigeen qaata miyay tahay samigeeni waa maya waa inaynu beelwaliba xuquqdeeda hesha silamida sida beelaha kale ee jsl.wabilahi tawfiiq
waa qalinkii suldan maxamed sul cabdi ismaciil suldanka beesha muuse dheriyo ee gabooye
Related posts:
- Dareen la,aanta Dadkena iyo dorashada soo Dhawatay {Suldan Mohamed Suldan Abdi Ismail Suldanka Guud Ee Beesha Muse Dhariye}
- BAAQ CAMBAREYN DHACDADII FOOSHA XUMAYD EE KA DHACDAY CAAYNABO{Suldan Mohamed Suldan Abdi Isamacil}
- Hadii aanay ka muuqan beesha Muuse Dheriyo dowlada Somaliland waa dowlad qabyo ah oon ka wada turjumayn danaha reer Somaliland{Dr Mustafa Ismael Dhinbiil Gaboye rights activist}
- Gudomiyaha Qurba Joogta Beesha Muse Dhariye{Mudane:Rashid Abdillahi Gaas}
- TACSI:Inaalilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajucuun Marxuum{Rashiid Abdi Hussein}
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2874














