Dad rayid ah oo ku dhintay dagaalada maalintii lixaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Bariisle:Saturday,August,28,2010(Muqdisho)Dagaalo iyo duqeymo qasaare geystay ayaa maanta Muqdisho waxaa ay mar kale ku dhexmareen Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo isku Jeho ah iyo Xarakada Al Shabaab iyadoo Shabaabna ay soo bandhigeen Fariisimo ay dagaaalada ku qabsadeen.

Afar qof ayaa ku dhimataya kudhawaad 10 kalana oo rayid ahna waa ay ku dhaawacmeen dagaalo iyo duqeymo Maanlintii lixaad maanta Xaafado ka mid ah degmooyinka Hodon iyo Howlwadaag ku dhexmaray ciidamada Al Shabaab iyo kuwa dowladda KMG oo garab ka helaya Kuwa AMISOM.

Dagaalada ayaa maanta bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weeraro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin Wadada Makka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana dagaalka ka qeyb qaatay gaadiid dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan MUqdisho.

Dadka dhaawacmay ayaa dhamaantood waxaa ay ku dhaawacmeen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho iyo Xaafada Black Sea ee degmada Hodon sida Idaacada Shabelle uu u sheegay Cali Muuse oo ka mid ah saraakiisha gaadiidka Gurmadka deg dega ah.

Dhinaca kale Wakiilak Al Shabaab ee gobolka Banaadir Sheekh Cali Max’ee Xuseen ayaa maanta saxaafada u soo bandhigay Fariisimo uu sheegay in ciidamada Al Shabaab ay kala wareegeen kuwa dowladda KMG Soomaaliya iyo culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca isagoo meelihii uu soo bandhigay ka mid ahaa Mowlicii Macalin Nuur.

Dagaalada lixda maalin ka socda Magaalada Muqdisho ee ay Al Shabaab guulaha ka sheegteen ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 ruux oo rayid ah iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 220 ruux oo rayid ah.

Related posts:

  1. Dad rayid ah oo ku dhintay Madaafiic Caawa ku dhacday qeybo ka mid Muqdisho.
  2. Shabaab isku Qarxiyay Hoteel ay ku jireen Xildhibaano iyo dad rayid ah. Waxaa ku Dhintay 36 Qof!!!
  3. Madaafiic ay ku nafwaateen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo Maanta la isku weydaarsaday Xaafado badan oo ka mid ah Magaalada muqdisho.
  4. Dagaal culus oo saakay ka qarxay waqooyiga Magaalada Muqdisho
  5. DKMG iyo Shabaab oo iska horimaad ku dhexmaray Muqdisho

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2907

Posted by on Aug 28 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com