Qaar ka mid ah dadkii ku haray degmoyinka lagu dagaalamay oo isaga barakacaya
Bariisle:Sunday,August,29.2010(Muqdisho)Qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee ku haray degmooyinka lagu dagaalamay ee magaalada Muqdisho, ayaa bilaabay in ay isaga barkacaaan xaafadahoodii, iyadoo wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ay buuxdhaafiyeen barakacayaal ka kala yimid qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Kadib dagaaladii iyo duqaymihii ka dhacay maalmihii la soo dhaafay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay saameynta ugu badan ku yeesheen dadka rayidka ah ee deganaa degmooyinka lagu dagaalamay, sida Hodan, Howlwadaag, Wardhiigleey iyo Boondheer ee gobollka Banaadir.
Qoysaskii faro ku tiriska ahaa ee ku haray degmooyinka ay dagaalada ka dhaceen ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay maciinbideen in ay u barakacaan duleedyada magaalada Muqdisho iyadoo iminka ay dhibaato kala duwan ku haystaan duleedyada magaalada Muqdisho.
Faadumo C/raxmaan oo ka mid ah qoysaskii ka barakacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, ayaa waxaa ay Shabelle u sheegtay in ay xiligaani ay haystaan dhibaatooyin ku saleysan dhanka nolosha ah, waxaana ay tilmaamtay in iyada iyo afar caruur ah oo ay dhashay ay ku dhibaataysan yihiin duleedka magaalada Muqdisho, waxaana ay ka codsatay dhinacyada ku dagaalamaya gudaha magaalada Muqdisho in ay joojiyaan dagaalka si ay guryahooda ugu noqdaan.
Cabashada ka soo yeertay qoysaskaani ka soo cara caray guryahooda ayaa waxaa ay imaanaysaa xili magaalda Muqdisho ay wali ka sii socdaan dagaalo gaystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dhinacayada ku dagaalmaya magalada Muqdihso ay ka kala sheegtaan guulo aan sidaasi ubuurneen, waxaase dagaalada inta badan ka dhaca magaalda Muqdisho ay saameeynt ugu balaaran u gaystaan dadka rayidka ah ee iyaga dushooada lagu dagaalamayo
Related posts:
- Dadkii fara ku tiriska ahaa oo ka sii dhamaanaya waqooyiga Muqdisho.
- Iska hor imaad Khasaaro geystay una dhaxeeyay dhinacyada isaga soo horjeeda Muqdisho iyo Qarax xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
- Madaafiic ay dadi ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen oo gelinkii dambe ee maanta lagu gaaraacay xaafado ku yaala Waqooyiga Muqdisho.
- In kabadan 60 ruux oo ku dhaawacmay Duqeymihii shalay ilaa xalay oo la geeyay isbitaalka Madiina iyo qaar ka mid ah dhaawacyadaasi oo geeriyooday.
- Diyaarado joog hoose ku duulaya oo saakay lagu arkay Muqdisho
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2914












