Askar Yugandhes ah oo loo ciqaabay dhibaatooyin ay u geysteen dad Somali ah.
Bariisle:Monday,August,30,2010(Muqdisho)dowladda Wadanka Uganda ayaa dares ka dhigis iyo Ciqaabo kala duwan ku sameysay askar ka tirsan Ciidamada amaanka ee Magaalada Kampala kuwaasi oo dhibaatooyin u geystay dada Soomaali ah.
Askarta Dareeska laga dhigay oo tiradooda la sheegay inay gaareyso 20meeyo ayaa waxaa lagu eedeeyay inay baarasho iyo qabaqabasho sharci darro ah ku sameeyeen Soomaalida
Dowladda Uganda ayaa dareeska ciidamada ka dhigtay ilaa 20meeyo askari oo ka tirsan bileyska amniga magaalada Kampala, ka dib markii askartaasi lagu eedeeyay inay baarasho iyo handadaad u geysteen Soomaalida degan magaaladaasi.
Taliyaha ciidamada booliska magaalada Kampala ayaa tallaabadaasi qaaday ka dib markii uu kulan uu la qaatay xafiiska jaaliyadda Soomaalida Kampala ayna cabasho u gudbiyeen.
Soomaalida ayaa hawlgalkaasi uu qabsaday habeenkii Sabtida iyagoo ka soo baxay salaaddii Taraawiixda, sida uu VOA-da u xaqiijiyay C/fataax C/qaadir Qalinle oo ka tirsan xafiiska Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Kampala.
Related posts:
- Ciidamada Uganda oo Magaalada kampala ku xir xirey arday Soomaali.
- Israsaaseyn ay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowlada KMG oo maanta ka dhacday degmada Dharkeenlay ee G/Banaadir.
- Qaraxyo is xigxigey islamarkaana sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah iyo askar ka tirsan dowladda KMG oo galabta ka dhacay degmada X/jajab.
- Kenya oo Xabsiga isaga heysata dad Somali ah oo ay lacago ka qaaday
- BBC-da oo ka jawaabtay xiritaankii shalay ay u geysteen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab xarumihii FM yada ee ay ku laheyd koonfurta wadanka Soomaaliya.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2926












