Ururka Codka Haweenka”VOSOMWO”Ee U Dooda Xuquuqda Beelaha Gabooye Oo Siminaar Ku Qabtey Burco-Hotel Barwaaqo.

Bariisle:Monday,August,30,2010(HARGEISA)Kulan lagaga hadlayey sidii dadka la heybsoocaa uga qeybqaadan lahaayeeen talada iyo siyaasada dalka, korna loogu qaadi laha xuquuqdooda ayaa shalay lagu qabtay hudheelka barwaaqo ee magaalada burco/ Togdheer.
Kulankan oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada lahayb-sooco. Waxaa wadajir u soo qaban qaabiyey ururka codka haweenka laga tirrada badan yahay ee VOSOMWO iyo hayada NED oo iyadu maalgalisay   mashruucan, uugu horayn waxaa halkaa kahadashay marwo NimcoIid Salaan oo kamida ah  madaxda hayada wadaniga ah VOSOMWO waxayna kawarbixisay ujeedada kulankan oo ay sheegtay inuu daba socodo  kulamo ay hore uga soo qabteen gobalada Somaliland .
 
Sida aynu kawarqabno doorashooyinkii dalka ka qabsoomay kumay soo bixin mudanayaal matalaya beelaha lahayb-sooco markaan samaynay darasado badan oo ku saabsan howshan  waxaan ku ogaanay insababaha ay u soo bixiwaayeen tahay inaynan qabin wacyigalin kufilan, sidaa owgeed ayaannu gobolada dalka oo dhan uga wada wacyigaliintan” ayay tidhi Marwo Nimco Iid Salaan.
Ururka VOSOMWO marwalba waxaa uu ku howlan yahay  sidii uugu samayn lahaa dadka lahaybsooco mashaariic kala duwan oo ay kafaa-iidaystaan,kuwaas oo ay kamid tahay shaqooyinka,  waxbarashada
Caafimaadka, iyo sidii loo ogaan lahaa duruufaha ku xeeran dadka lahaybsooco kuna dhaqan guud ahaan dalka Somaliland.
Sidoo kale,Ururka VOSOMWO waxaa u suurto gashay in ay shaqo abuuris u samayso 46qof, halka ay26 kalana deeqo waxbarasho uga heleen Jamacada dalka, iyadoo shaqsiyaad kala duwin ka bixiyaan fiiga jaamacada oo ay sannadkan guruubkii ugu badnaa ka soo baxaayo oo todoba qof ka kooban  ayey raacisay Nimco Iid Salaan .
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) oo isaguna kulankaa kahadlay ayaa sheegay inaynan waxbadan ka dhalaney  hadii layidha hala joojiyo haybsooca,maadaama aanay jirin wax aqoon iyo taariikh ah oo ay salka ku hayso arrinta haybsooco isla markaana ay tahay wax diinta iyo dhaqaankaba ka fog.
 
“Hadda ka hor wax isbedel ah lagama hadli jirin, wax sidoodii ahaadana ma hiraan, waxanina waa qaddar alle, waxanina waa wax alle ku imtixaamayo dadka wax lagu sameynayo laguna eegayo samirka ay leeyihiin , ummadda arintan dhextall bal inay mar uu ka baraarugaan . aniga hadraawi ahaan kuma jrot dadka haybsooca wada markhaatina ka ahaada balse had iyo goor kam hadlaan dadka aqonta leh lamina odhan karo qofka arrintaas ka hadli waayaaa aqooon ayuu leeyahay cid uun ayaa arrintan ku cadaab mudaneysa, manafoga maalinta aad heli doontaan nabsi bixinta alle.Markaad heshaan ha yeelina sidii leydinka yeelay”.
 
Isagoo hadalkiisa sii wata abwaanku waxaa uu si cilmiyaysan u cadeeyay inaanu markna ka hor imman dedaalka lagu jiro cidhib tirka qaddiyadan dhaqanka iyo diinta ka forg, waxaanu ku soo hal qabsaday nin boqor ahaa oo ka talin jiray dalka Ciraaq, waxaanu yidhi “ waxaa jiray nin ka talin jiray dalka Ciraaq oo la odhan jiray Haruun AL Rashiid, waxaana uu boqorku ahaa nin gaaban siddaa daradeed marka uu salaanka ka baxaayo waxa uu samaystay ooo uu salaamo ka dhigan hiray koox haweena una isticmaali hjiray salaam ahaan marka uu qasriga koraayo iyo marka uu ka soo dagaayo.
 
Waxaa boqorka la shaqayn jiray nin la odhan jiray Jacfar oo uu ahaan jiray la taliye raysal wasaare, waxa maalin maalmaha ka mid ah soo galay boqortoyada nin la odhan jiray Abnu Waas, waxa ay ilmaadeer ahaayeen Haruun Al Rashiid, sidaa daradeed waxaa uu u lahaa arrin waxa uu isasoo hortaagay qasrigii, waxa uu dalbaday in la sii daayo si uu ula kulmo Harun Al Rashiid, waxaa uu la kulmay arrin cajjib ah oo naxdin galisay waxaa beerta qasriga dhexjoogay Haruun Al Rashiid iyo Jacfar, waxay arkeen xabad tufaax ah waxa ay is waydiyeen boqorow sidaynu ku gaadhnaa xabada tufaaxa ah waxaa hadlay jacfar, oo yidhi boqr waxaynu ku gaadhi karnaa adigoo forarsadda oo aan aniguna kugu dul istaaago dabadeed anaa inoo goynaya tufaaxa sababta uu ka lahaa ayaa ahayd in uu ninkan boqorka ah ee isagu dadka isku taiga mar uun isagu isku taago sidii baanu qborkii aqbalay.
Waxaa gudaha  beerta soo galay xageeda danbena usoo dhaafay abna Waas, oo la kulmay arrrinki waana uu amusay dib ayaana uu u kal jeestay, waxaa uu tagay meel waraaqa lagu soo qorto waxanu  soo qortay waraaq cadaynaysa oo uu ku soo qory waxaan cdaynayaa inan manta laga bilaabo kuwa idin dulmiya aanan ka mid ahayn, waxaana uu ogaaday in boqortoyadan la qabsan doono oo ay qabsan doonaan dadka uu gumaysto boqorku. Maalmo ka dib waxaa la qabsaday boqortooyaddi waxaana qabsady dadkiila gumaysan jiray waxaana ay qabqabteen dhamaan ciddika tirsanayd boqortoyadii barmaki, waxaase warqadii cadaynta ahayd la soo baxay Abna Waas, oo sheegay inuu isagu hore isu cadeeyey”.ayuu yidhi abwaan hadraawi 
 
 Mahadcelin,
 Marwo Nimco Iid Salaan Hargeisa, Somaliland

Related posts:

  1. Ururka Codka Haweenka”VOSOMWO”Ku Qabtey M-Burco Iyo Hadaladii”Abwan-Hadraawi.
  2. Xuquuqda ka qayb galka Siyaasada ee beelaha la hayb sooco Waxaa soo diyaariyey Ururka Codka Haweenka VOSOMWO
  3. Ururka Codka Haweenka Laga Tirada Badan yahay Ee VOSOMWO oo Tobabar uga Furmay Magaalada Berbera 30 Qof oo ka mid ah Beelaha la Heyb-sooco
  4. Ururka Codka Haweenka laga Tirada Badan yahay ee{ VOSOMWO } oo 35 xubnood Tabara u Furmay Ku saabsan sidii ay Dar-dargalinlahaa ka Qeyb galka Siyaasada Talada Dalka
  5. Madaxdhaqameedka iyo Guurtida Beelaha Gabooye oo shirjaraid ku Qabtay Burco iyo Dumarkii lagu Tuhunsanaa oo la helay(Maqal iyo Muuqaal)

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2944

Posted by on Aug 30 2010 Filed under MAQAALO, WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com