Archive for: September, 2010

CAAYNABEEY CEEBEEY TACAAL{Qorre-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab).}

Bariisle:Thursday,September 30,2010(LONDON)Tallaabo dhanka khaldan loo qaaday,arrin ayaan daradeeda leh walaaceed iyo muragadeeda leh dhaawac aan hadhan leh xad gudub weyn ah si cadna uga soo hor jeeda hab dhaqameedka shareecadda Diinta Islaamka iyo guud ahaanba xuquuqdda bani-aadamiga,kuna saleeysan habkii cunsuriyadda,naceeybaka,quursiga iyo cadaalad daradda ah oo qarniyadda ka soo jiray guud ahaanba Soomaaliya oo si cad [...]

Duruufo Badan iyo Dadaal Dheer kadib Maxaa dhacay?

Bariisle:Wednesday,September 29,2010(HARGEISA) iyadoo inta badan ay iska yaraan jirtey in beelaha gabooye lagu arko goobaha ay aqoontu teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahiba biyo dhigtay taasna ay uugu wacnaan jirtey takoorka lagu hayo ee aan diinta iyo dadnimada meelna kaga jirin ayaa waxaa sanadadan danbe soo ifbaxaaya dhalinyaro dadaal badan kuwaas oo si mugle [...]

Ceebtii ka Dhacday CAYNABA & Cadaalad Darada Somaliland Ay ku Caanbaxday!

Bariisle:Tuesday,September 28,2010(Bariisle)Ceebtii ka Dhacday CAYNABA & Cadaalad Darada Somaliland Ay ku Caanbaxday! (LONDON)Haddi aan wax yar ka idhaahdo Arimaha ka Dhacay magaalada CAYNABA maalmihii la soo dhaafay. Ee ku saabsan labada Dumara ee la kala yidhaahdo Asiya Jamac Ali iyo Xiis Mohamed Diiriye Ee laga Afduubay Maxkamada ku dhex taala Magaalada CAYNABA ee Gobalka seeraar. [...]

TUN JILEELSIGA GABOOYAHA IYO SAMIRKII OO SOO DHAMAADAY

Bariisle:Tuesday, 28 September 2010Maxaa kuu hadhay eed igu sameyn lahayd.Suuqaba waan kugu dilee ma tuuladayda ayaan kugu deyn? islaamnimo ilow,jaarnimo ilow,somaalinimo ilow ma waxaad eegi weydiin biniaadminimo. Waxaanu aad iyo aad uga tiiraanyay sanahay dhibaatada loo gaystay labadaas dumarka Gabooye ah ee aan waxba loo dhaafin dhib loo gaysto qof dumar ah. Iyadoo ay tahay  [...]

BAAQ CAMBAREYN DHACDADII FOOSHA XUMAYD EE KA DHACDAY CAAYNABO{Suldan Mohamed Suldan Abdi Isamacil}

Bariisle:Monday, September 27, 2010(Denmark) scww,bacda salaan hadii aanu nahay aqameedka,culimada,dhalinyarada iyo aqoonyahanka beelaha muuse dheriyo ee gabooye qaarada yurub iyo north america iyo muwadinin kale oo kasoo jeeda beelaha kale ee reer somaliland waxaanu si wada jira u cambaraynaynaa dhacdadi foosha xumayd ee lagula kacay laba dumara oo kasoo jeeda beeshan degmada caaynabo ee gobolka [...]

Diyaarad Helicopter ah oo weerar ka fuliysay Magaalada Marka ee G/Sh/hoose

Bariisle:Sunday,September 26,2010(Marka)Diyaarad Helicopter ah oo la sheegay inay ka soo dul duushay Markab dagaal oo  ku sugnaa meel u dhow Xeebta Magaalada Marka ayaa maanta weerartay guryo la sheegay inay deganaayeen Saraakiil ka tirsan Al Shabaab. Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose barqanimadii maanta ayaa diyaarad Helicopter ah waxaa [...]

Dagaalo iyo duqeymo goos goos ah oo ka dhacaya qeybo ka mid ah Muqdisho.

Bariisle: Saturday, September 25, 2010(Muqisho)Dagaalo iyo duqeymo goos goos ayaa maaanta waxaa ay ka dhaceen  degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo dagaalkaasi oo u dhaxeeyo ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ee Soomaaliya. Iska hor imaadkaan iyo madaafiicda goos gooska ah ee u dhaxeyay dhinacyada isaga [...]

KU CIBRO QAADO CAYNABA!!{Mohamed Nuur Mooge(Somali6)}

Bariisle:Saturday, September 25, 2010(LONDON)Haddi aan wax yar ka idhaahdo Arimaha ka Dhacay magaalada CAYNABA maalmihii la soo dhaafay. Ee ku saabsan labada Dumara ee la kala yidhaahdo Asiya Jamac Ali iyo Xiis Mohamed Diiriye Ee laga Afduubay Maxkamada ku dhex taala Magaalada CAYNABA ee Gobalka seeraar. Arintaasi waxay na xasuusinaysaa Khader Qodax Digaale oo la [...]

Qurba Joogta Beelaha Gabooye Oo Cambaareynaya Dhibtii Loo Geystey Haweenka Gabooye Magaalada Caynaba .

Bariisle:Friday,September 24,2010(CANADA)Haddaanu nahey qurba joogta beelaha gabooye ee reer somaliland waxaanu si kulul u cambaareynaynaa falka foosha xuun ee waxashnimada iyo arxan dariida ah ee loogu geystey labada haween ee beelaha gabooye ee reer somaliland dhawaan magaalada caynaba ee jsomaliland ,haweenkan oo waxey geysteen jiriin ama dambiya oo ay cid ka galeen jiriin ayaa leyska [...]

Uganda oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan Shabaab

Bariisle:Friday,September 24,2010(Kampala)Dowladda wadanka Uganda ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab islamarkaana looga Shakisanyahay in uu ka qeyb qaatay weerarkii Magaalada Kamnpla ee Xarunta wadanka Uganda. Ninkan oo lagu magaacaabo Omar Awadh Omar (Abuu Sahal) oo la sheegay in uu u dhashay dalka Kenya, ayaa maxkamad ku [...]

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com