Midowga Yurub oo ku dhawaad 50 Milyan oo Yuurow ugu deeqay AMISOM.
Bariisle:Thursday,September 02,2010(Brussels)Ururka midowfa Yurup oo lacag gaaraysa 47-Milyan oo Yuuroow ugu deeqay howlgalka Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaliya si ciidamadaasi ay ugu fududaato in ay nabad ku soo dabaalaan gudaha dalka Soomaaliya.
Madaxda sar sare ee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in 47 milyan oo lacagta Yuurowga ah ay ugu deeqeen howlgalka ciidamada midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya ee la doonayo in dib loogu soo celiyo nabadii iyo xasiloonadii Soomaaliya.
Catherine Ashton oo ah madaxa arimaha dibada ee Ururka Midowga Yurub ayaa sheegtay in deeqdaani lacagta ah ay qeyb ka tahay dadaalo uu Ururka Midowga Yurub uu ku doonayo sidii uu u bar bar istaagi lahaa taageerada dhinaca dhaqaalaha ee la siinayo ciidamada AMISOM ee ka socda Ururka Midowga Afrika iyo dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in sidoo kale ay filayaan in aduun kale oo lacageed ay soo gaarsiiyaan Ciidamada AMISOM.
Madaxa arimaha dibada ee Ururka Midowga Yurub Catherine Ashton, ayaa sheegtay in cadadka lacagta 47 milyan ee haatan ay soo direen iyo kuwii ka horeeyay ee ay ugu deeqeen howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka dhigeyso ilaa 142 Milyan oo lacagta Yuurowga ah tan iyo markii uu bilowday howlgalka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
Waxa ay sidoo kale sheegtay inay ku rajjo weynyihiin in AMISOM ay noqon doonaan kuwa soo celiya nabad iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, iyadoo rajo ka muujisay in mar uun ay nabad ku soo dabaali doonaan dalka Soomaaliya.
Deeqdaani Ururka Midowga Yurub uu ugu deeqay ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa imaaneysa xili wadamada Uganda iyo Burundi ay wali ciidamo dheeri ah u soo qul qulunayaan gudaha dalka Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada midowga Afrika ee jooga gudaha dalka Soomaaliya.
Related posts:
- Ururka Midowga Yurub oo sheegay inay kordhinayaan muddada ay tababarka siinayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya
- Uganda oo sheegtay in lacagihii Mushaaraadka ay ka soo gartay Midowga Yurub.
- Midowga Afrika oo codsaday in lacaawiyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.
- Midowga Yurub oo ka digay duqeynta dadka rayidka ah ee Somaliya
- Ciidamada Midowga Yurub oo sheegay in ay ku raadjoogaan burcadii Afduubtay Markab laga leeyahay Norwey iyo ku dhawaad 30 burcad badeed ah oo la qabtay.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2962












