Somalida ku Nool Maraykanka oo ka wal walsan lacago u soo dirista Soomaaliya.

Bariisle:Friday,September 03,2010(Minneapolis)Dadka Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Maraykanka ayaa cabso ka muujiyay in lacagaha ay u soo diyaraan ehaladooda ku sugan dalka Soomaaliya in ay dabagal ku sameeyaan ciidamada FBI-da Maraykanka iyadoo lala xariirinayo in lacagtaasi ay u soo diraan Al Shabaab.

Soomaali aad u farabadan oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka ayaa si aad ah ugu wel welsan lacagaha ay u soo diraan qoysaskooda, Heladooda iyo asxaabtooda ku nool Soomaaliya taasoo timid kadib markii eedeymo farabadan ay kala kulmeen dowladda Maraykanka oo ku aadan in ay lacagahaasi ku taageeraan waxa Maraykanku uu u yaqaan argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya.

Xubno ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in cabsi xoogan ay ka qabaan in lacago ay u diraan qaraabadooda iyo eheladooda ku sugan Soomaaliya lagu eedeeyo in ay lacagtaasi u direen Xarakada Al Shabaab ee ka dagalanta Soomaaliya.

“Dhawaan labo dumar ah ayaa la xirey waxeyna aheeyd bilowgii bisha Ramadaan, labadaasi haween waxaa ay ahaayeen reer Minnesota, waxaa loo xirey shaki ah inay taageerayeen ururka argagixisada, waxaana loo heystay lacago ay u dirayeen Soomaaliya inay si toos ah ugu dhaceysay Al Shabaab, sidaasi daraateed waxaan aad ugu wel welsanahay arinkaasi” sidaasi waxaa yiri siyaad Sheekh Cabdi oo ah muwaadin Soomaali ah, qoraana ah oo ku dhaqan Magaalada Minneapolis.

Soomaali faraban oo ku dhaqan dalka dibadiisa ayaa waxaa ay eheladooda iyo asxaabtooda u soo  diraan lacago biil ah iyadoo taburucaad ah halka dadka ay uga tageen dalka Soomaaliya ee dhibaato ay heysatana bil walba loo soo marsiiyo xawaaladaha Soomaalida ee wadamada reer Galbeedka ee Maraykanka, Canada iyo Yurub si ah u debaraan noloshooda oo ah mid aad u liidata.

“Inagu wax aan lacagaha ku dirnaa Xawaaladaha Soomaalida oo si toos ah qoysaskeena u gaarsiiya lacagta, ujeedkeenu ma’ahan in aan ka qeyb qaadano dagaalada iyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee ka jira Soomaaliya, hadana waxaa lagu jiraa bil barakaysan oo Ramadaan” ayuu yiri C/raxmaan Jahweyn oo ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee dalkaasi Maraykanka.

Cabashada dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka eek u aadan cabsida ay ka qabaan lacagaha ay u soo dirayaan Soomaaliya ayaa waxaa ay daba socotaa xarig dhawana ciidamada FBI-da Maraykanak ay u geysteen labo haween oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay taageerayeen ururka Al Shabaab taasoo shaki weyn iyo cabsi kale ku abuurtay Soomaalida ku dhaqan Maraykanka.

Related posts:

  1. Somalida Maraykanka oo laga hakiyay soo dirtaanka lacagaha
  2. Maxkamada Maraykanka oo siidayasy Haweenkii lagu eedeeyay Xiriirka Al Shabab.
  3. Maraykanka iyo Denmark oo ka wadahadlay arimaha burcad badeeda
  4. Nuur Cade oo ka deeriyay Qaxootida Somalida ah ee ku sugan Talyaaniga
  5. Jaaliyadaha Soomaaliya iyo Yuhuudda ee ku nool Dalka Kanada oo sheegay inay sameysteen iskaashi Shaqo iyo mid Waxbarashad ah

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=2974

Posted by on Sep 3 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com