QM oo shegtay in ku dhawaad 22,000 oo qof ay ka barakaceen dagaladii Muqdisho.

Bariisle:Saturday,September 04,2010(NEW YORK)Warbixin ka soo baxday Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa waxa ay ku sheegtay in dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho dagaaladii mudadii 12-ka maalin ee u dambeeyay ka soconayay ay ku barkaceen dad gaaraya 22,000 oo qof oo rayid ah, kuwaasi oo sheegtay Jiciyadda Qurumaha ka dhaxeysa in ay gaareen, qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo ka baxsan deeganada ku hareeraysan.

Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa, ayaa qoraalkeeda waxaa ay ku sheegtay in qiyaastii 14-kun oo dadka barkacayaasha ah la rumaysan yahay in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, halka 7-kun iyo labo boqol oo qof ay ku biireen 3-kun lixdan iyo lix qof oo  dadka barkacayaasha ah ee sida tooska ah u dagay inta u dhaxaysa degamda Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo magaalada Muqdisho, halkaasi oo haatan ay ku heysato Xaalad dhanka nolosha ah.

Qaramada Midoobay, ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay 8-kun 7-boqol oo qof ay u barakaceen deegaanada aysan ka jirin dagaalada ee magaalada Muqdisho, sida laga soo xigtay Madaxa iskudaba ridka howlaha dhinaca bini’aada  nimada ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa iyo Wakiilka sare ee Hay’adda dhinaca qaxootiga u qaabilsan ee lagu magacaabo marka magaceeda lasoo gaabiyo UNHCR.

Degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Muqdisho ayaa inta u dhaxeysa waxaa ku nool dad aad u farabadan oo kumanaan kun kor u dhaafaya, waxaana dadkaasi ku biiray kuwa Malamihii u dambeeyay isaga cararay dagaalada ka jira Magaalada Muqdisho halka qaar kalana magaalada Muqdisho si halis ah ay ugu noolyihiin daruufna ay ku haysato.

Warbixinta Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa lagu sheegay in dadkaani ay yihiin dad aad daruufo adag ugu muuqanayso islamarkaana xaaladda Soomaaliya xaga bini’aadanimada marka laga hadalayo ay tahay heerkii ugu xumaa.

Related posts:

  1. Hay’ada UNHCR oo sheegtay in ku dhawaad 10-kun oo ruux oo rayid ah ay bishan gudaheeda ka barakaceen magaalada Muqdisho.
  2. QM oo sheegtay in Shabaab iyo Xisbul Islaam ay Qatar ku yihiin amaanka gobolka.
  3. Dhaawacyada ku dhawaad 40 ruux oo la dhigey Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
  4. Ku dhawaad 20 qof oo ku dhintay dagaal Galabta ka dhacay Muqdisho.
  5. Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay sii socoshada Waxyeelada dadrayid ah ka soo gaarta dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Short URL: http://www.bariisle.com/?p=3004

Posted by on Sep 4 2010 Filed under WARAR. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Photo Gallery

Log in | Copyright© 2010 All Rights Reserved Bariisle.com