Al Shabaab oo sheegay in boqolaal askari ay soo galin doonaan Muqdisho.
Bariisle:Monday,September 06,2010(Muqdisho)Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in maalmaha soo socda magaalada Muqdisho ay soo galindoonaan boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Al Shabaab kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadan doonaan dagaalada ay kala horjeedaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Afhayeenka Xarkada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa waxaa uu sheeegay in kumanaan ciidan oo isdaba joog ah oo aan aheeyn ciidamadii shalay ay ku soo bandhigeen duleedka magaalada Muqdisho, ay soo galinayaan gudaha magaalada Muqdihso, si ay ula dagaalamaan ciidamada dowladda KMG ee Soomaliya iyo AMISOM.
Sheekha Cali Dheere oo hadaalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray in ciidamada la qorsheeyay in lasoo galiyo magaalada Muqdisho, loogu talagalay in dalka ay ka saaraan ciidmada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee Muqdisho kusugan, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeeed in ay ka gacansiiyaan dagaalada ay kulajiraan dowladda iyo AMISOM.
Sidoo kale Afhayeenka Xarkada Al Shabaab waxaa uu u jeediyay beesha Caalamka in sikasta oo ay isku baheestaan islamarakaana tiro kasta oo ciidamo ah ay keenaan gudaha Soomaaliya ay iyan awoodooda isugu geyn doonaan, balse waxaa uu tilmaamay in danta ay ugu jirto in ay isaga baxaan wadanka gudahiisa isagoo tibaaxay in caruurta yar yar ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan dagaalada lagula jira dowladda iyo AMISOM.
Hadalkaan ka soo yeeray Afhayeenka Xarkada Al Shabaab ayaa waxaa uu imaanayaa xili ay maamlihii udambeeyay ay ciidamo ka socda Midowga Afrika ka soo dagayeen garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade iyo fariisimo cusub oo ay AMISOM ka sameeysanayeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho
Related posts:
- Al Shabaab oo qiray inay isaga baxeen Muqdisho
- DKMG iyo Shabaab oo iska horimaad ku dhexmaray Muqdisho
- Dowladda iyo AL Shababa oo sheegay inay sii wadayaan dagaalada Muqdisho.
- DKMG oo sheegtay in ay qabsatay xaruntii ugu weyneeyd ee Shabaab
- Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=3010












