Ciidamo gadoodsan oo Maanta mudo saacado ah xirey isku socodk Muqdisho.
Bariisle:Monday,September,06,2010(Muqdisho)Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta mudo Saacado ah xirey isku socodka qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo arintaasina ay saameyn ku yeelatay wadayaasha gaadiidka Bl-ka
Ciidamadaani oo ka tirsan booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa saakay abaaro sideedii subaxnimo waxaa ay xireen inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho, iyagoo wadadaasi u diiday maritaanka gaadiidka iyo dadweynaha xili wadadaasi ay haatan tahay wadada ugu mashquulka badan Magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa la arkayay iyagoo gaadiidka iyo dadweynaha lugeynaya ka celinaya goobta ay xireen oo ah inta u dhaxeysa Banaadir iyo KM4, waxaana Wararku ay sheegayaan in sababta ciidamada ay u xirteen wadadaasi ay tahay gaadood dhinaca mushaarka ah.
Ciidamada booliska dowladda KMG Soomaaliya ayaa wadadaasi waxaa ay u xirneeyd mudo Saacado ah, waxaana mararka qaar ciidamadu ay gaadiidka iyo dadweynaha meelaha isugu soo xoomay ay ku ridayeen rasaas taasi oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay.
Darwalada ka shaqeysa inta u dhaxeeysa Isgoyska KM4 iyo deegaanka Ceelasha Biyaha oo Shabelle la hadlayay ayaa waxaa ay sheegeen in aysan meel ay isticmaalaan taasina ay keeni karto inay shaqadooda joojiyaan.
Sdioo kale darwalada ka shaqeysa deegaanka Madiina iyo isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegeen in ishortaagii ay ku sameeyeen ciidmada dowladda KMG isticmaalkii wadadaasi ay tahay dhibaato kale oo xiligaan soo foodsaaraysa gaadiid BL-ka Maadaama kal hore ay iska dhaafeen isticmaalka wadada Dabka oo ay si wada jira ah u xireen Xarakada AL Shabaab iyo AMISOM.
Markii in mudo ah ay u xirneeyd ciidamada dowladda KMG wadada u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa goobtaasi waxaa isaga kala dareeray ciidamadii wadaasi xiray, iyadoo uu dib u furmay isticmaalka wadadaasi, lamana oga in ciidamadii wadadaasi xiray ay la hadleen talisyada ay ka tirsanyihiin.
Related posts:
- AMISOM iyo Shabaab oo xirey Wadada Halbowlaha u aheeyd Isku socodk Muqdisho.
- Israsaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta Ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ku dhexmartay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
- Madaafiic ay ku nafwaateen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo Maanta la isku weydaarsaday Xaafado badan oo ka mid ah Magaalada muqdisho.
- Israsaaseyn qasaare geysatay oo Maanta garoonka diyaaradaha ku dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
- Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaya Ciidamo ka tirsan dowlada KMG ee Soomaaliya oo maanta soo gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=3021













