Sharma’arke oo Saacadaha soo aadan Nairobi kula kulmaya laamaha UN-ka.
Bariisle:Monday,September,06,2010(Nairobi)Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa saacadaha soo aadan kulamo waxaa uu Magaalada Nairobi kula qaadan doonaan Masuuliyiin ka tirsan laamaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan golihiisa wasiirada oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa saacadaha soo aadan waxaa ay Magaaladaasi kulamo kula qaadan doonaan Madax ka tirsan Beesha Caalamka iyo Laamaha Qaramada Midoobay ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya.
Ra’iisul wasaaraha ayaa madaxda Beesha Caalamka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay kala hadlaya arimo ku saabsan dhanka amaanka, Nabada, Hormarka iyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u Sheegay Wasiirka arimaha dibada Xukuumada KMG Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg)
Dhinaca kale Magaalada Nairobi ee Xarunta wadanka Kenya ayaa waxaa ka socda qaban qaabada kulan halkaasi ay ku yeelanayaan maalinta beri ah wasiirada arimaha dibada ee Urur goboleedka IGAD kaasi oo looga hadli doono xaaladda dalka Soomaaliya.
Kulankaasi oo soconaya mudo labo maalin ah ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb gali doona Wasiirka arimaha dibada ee Xukuumada KMG Soomaaliya Yuusuf Dheeg oo haatan ku sugan Magaaladaasi Nairobi, waxaana looga arinsan doonaa wixii talo ah oo laga yeelayo xaalada murugsan ee ka jirta Soomaaliya iyo sidoo kale dagaalada labada todobaad ka socda Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa madaxda ka qeyb galeysa sidoo kale waxaa ay uga hadli doonaan sidii loo soo dhameystiri lahaa ciidamada midowga Afrika ee loo balan qaaday in loo soo diro Soomaaliya si ay u taageeraan dowladda KMG Soomaaliya oo haatan dagaalo xoogan kala kulmeysa xoogaga hubaysan ee ka soo horjeeda.
Related posts:
- Qaramada Midoobay oo Xafiisyadeeda u soo rareysa gudaha Soomaaliya
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo kulan Addis Ababa kula qaatay Ra’iisul Wasaare Meles Zenawi iyo madaxweynaha oo ku sii jeeda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
- Soomaalida ku dhaqan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo walaac ka muujiyay qabqabshada ay ku hayaan ciidamada dalka Kenya.
- Banaanbaxyo rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
- Gudoomiyaha Barlamanka KMG iyo 70 xildhibaan oo goordhow ka soo kicitimay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kuna soo jeeda Magaalada Muqdisho.
Short URL: http://www.bariisle.com/?p=3015












